Dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo isku khilaafay inta mid kasta uu ka qaadanayo Maabka Soomaaliya.

Kadib duulaankii rogaal celiska ahaa ee ay Ethiopia ku soo qaaday qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in dowladda Ethiopia ay dhinaceeda doonayso si lamid ah Gaandiga Kenya in Gobollada Bay iyo Bakool ay ka dhisto Maamul hoos yimaada Shariif Xasan Sh. Aadan oo ah Saaxibka hada ugu weyn ee Ethiopia ugu jira Xukuumada KMG ah amaba koonfurta Soomaaliya, kadib burburkii hogaamiye kooxeedyadii iyo dhamaadka muuqii Siyaasadeed ee C/llaahi Yusuf iyo Cali Geedi.

Hadaba wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho gaar ahaan Airporka Aadan Cade ayaa sheegaya in ay shalay soo caga-dhigatay diyaarada Ethiopian Airline, taas oo sida la sheegay aan wax rakaab ah la socon, isla markaana ka soo duushay garoonk diyaaradaha Booley ee magaalada Addis Ababa.

Wararkan ayaa intaas ku daraya in diyaarada loo soo diray in ay qaado wafdi uu Hogaaminayo gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo ay wehliyaan Xaabsade, Aadan Madoobe, Xildhibaano iyo Ganacsato ka soo jeeda Bay iyo Bakool, kuwaas oo horay u raacay diyaaradii loo soo diray isla markaana qorshuhu yahay in ay buuxiyaan maamul goboleed loo sameyn doona gobolada koonfureed isla markaana lid ku ah kan ay dowladda Kenya wadato ee Azaaniyada lagu soo dhisay Kenya.

New-Map

Dhinaca kalena madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa ay wali inkirsan tahay soo galida ciidanka Ethiopia, sidii ay Maalmo ka horba aheyd inta aanay Kenya iyada iskeeda u cadeysan joogitaankeeda gudaha dalka Soomaaliya.

HALKAN KA AKHRI QORAAL ENGLISH AH OO AY DOWLADDA KU INKIRTAY SOO GELIDA CIIDAMADA ETHIOPIA EE GUDAHA SOOMAALIYA.

HALKAN KA AKHRI DAWLADDA SOOMAALIYA OO BEENISAY IN CIIDAMO ITOOBIYAAN AH AY SOO GALEEN SOOMAALIYA 

Hadaba jawaabaha kale ee laga fili karaahi maxay noqonayaan, tusaale waxaa noogu filan, tii ay ka bixiyeen soo gelitaanka Kenya.

Ma xusuusataa in Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa Gaashaandhiga ay Kenya lasoo saxiixdeen Heshiiska oo muran dhex dhigay madaxda dowladda. Halkaan ka akhriqoraalkaas.

Sidoo kale Halkaan ka akhri, qoraalkii ay Madaxweyne, shariif, wasiirka 1-aad iyo kan Gaashaan dhigga, saddexdoodu si wada jir ah u soo saareen ee ku in kireen inay la socdaan soo gelitaanka Kenya.

Halkaan ka akhri ama ka dhegayso Sheikh Shariif oo yiri “soo gelitaanka Kenya maaha, mid shacabka Soomaaliyeed aqbali karo”

Hadana Halkaan ka akhri Ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo mar kale dib ula saxiixay Kenya heshiis kale oo labaad, Sidoo kale Halkaan ka akhri Heshiiskii dambe ee maalmo ka hor uu madaxweyne shariif ku saxiixay Kenya.

Hadaba, intaas oo laysu geeyay, waxay marqaati ka tahay in aysan madaxda soomaalidu ku socon, akhtiyaarkooda iyo masiirka rabitaankooda iyo kan Soomaalida.

Dhanka kale Kenya ayaa isbuucii hore Hotelka Hilton ee magaalada Nairobi ku shirisay madax badan oo ka socotay Beesha Daarood, waxaana ay u sheegtay in ay dhistaan maamul laga yagleelo Jubooyinka, iyadoo siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba ay Kenya taageerayso maamulkaas, waana laysku afgartay.

Ethiopia waxay taas uga jawaabtay, in ay u yeertay iyaduna dhammaan madaxdii Digil iyo Mirifle, ka soo biloow, Shariif Sakiin, Xaabsade, Aadan Madoobe, Xildhibaano iyo Ganacsato fara badan, kuwaas oo hadda ku sugan Addis Ababa isla markaana loo soo dhiibayo qorshe ay Ethiopia raalli ka tahay loogana hortegayo mashruuca Azaaniyada ay wadato dowladda Kenya.

I and Somalia against the world.
I and my clan against Somalia.
I and my family against the clan.
I and my brother against the family.
I against my brother.– Somali Proverb

HALKAN KA AKHRI ,ITOOBIYA IYO AL-SHABAAB OO SI WADA JIR AH U DIFAACAYA MASLAXADDA KA DHAXEYSA EE DALKA SOOMAALIYA.  

 

Cidii uu shaki uga jiro, dib ha u dhuuxdo, wareysi maqal ah oo uu bixiyay gudoomiye xigeenka Kenya Farax Macallin oo uu uga hadlayo in fara gelinta Kenya ee Soomaaliya ay sax tahay, laakiin tan Ethiopia soo gelitaankeeda Soomaaliya uu yahay qalad, isagoo sabab uga dhigay in ay carqaladeynayso sababtii ay u soo galeen Kenyaatigu dalka Soomaaliya, Faarax Macalin waxaa uu weliba intaasi ku daray in aysan dhici doonin in gobolada koonfureed ee Soomaaliya mar dambe laga xukumo magaalada Muqdisho, cidii ku fikirtana ay riyooneyso.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA GUDOOMIYE KU-XIGEENKA BAARLAMANKA KENYA FAARAX MACALIN

Cidii doonto way baari kartaa, todobaadkii ina dhaafay Hilton Nairobi, cidda ku shirtay iyo cidda casuumtay, iyo waxa looga hadlay, hala yaabin haddii aad soo maqasho in ay halkaas ku sugnaayeen, oo ay xittaa joogeen madax sare oo ka socotay Puntland.

Ogoow in labadii habeen ee lasoo dhaafay Ahlu-Sunna lagula shiray saldhigooda gobollada dhexe laga xakumo, halka Digil iyo Mirifle shirkoodu ka socdo, Addis ababa.

Ogoow in kulankii ay Kenya ku yeesheen 3-da madaxweyne ee Soomaaliya, Kenya iyo Uganda loo diiday in uu ka qayb galo Melez Zenawi.

Sidoo kale, ogaaw, in taas Jawaabtii uu ka bixiyay ay ahayd inuu ciidankiisa soo geliyo Soomaaliya, taas oo uu macnaheedu yahay, haddii aanan xisaab ku qayb-sanayn Soomaaliya aan xoog ku kala qaadanno.

Dowladaha Kenya iyo Uganda oo in mudda ah uusan xiriirkoodu aad u wanaagsaneyn ayaa waxaa dhowaan dhex dhexaadiyay dowladda Israel, heshiiskaas oo laga fahmi karay in si wanaagsan loogu heshiiyay markii Meles Zenawi Shirka Kenya laga celiyay, Sheikh Shariif-na lagu ogoleysiiyay in uu saxiixo heshiiskii uu horay u diiday ee uu sheegay in aysan Soomaalidu aqbali karin.

Isku soo wada duub muuqaalka kasoo dhex iftiimaya arimahaas oo la isku geeyay wuxuu noqonayaa  Soomaaliyeey dantaada garo oo dalkaaga difaaco, ama qofkastaaba meesha uu joogo madixiisa meyrax haku duubto.

Ugu dambeytii dhacdooyinka guud ee dhacdooyinkan ayaa lagu soo beegay xilli shacabka Soomaaliyeed ay neceen kooxda Al-Shabaab, welibana awoodoodii inta badan wiiqantay, lakin hadii ay dowladaha Kenya iyo Ethiopia ay moodeen in naceybka ay shacabka Soomaaliyeed Al-Shabaab u qaadeen uu jecleysiinayo gumeysiga cusub ee Kenya iyo Ethiopia waa wax la arki doono.

Sidaasi oo kale hadii ay kooxda Al-Shabaab u maleyso in naceybka ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan gumeysta kasta oo kusoo duula wadankooda sida Ethiopia iyo Kenya ay dib u jeclaan doonaan Al-Shabaab iyadana waa wax loo jooga oo la arki doonaa qofkii uu alle nafta u dhaafo, lakin xaqiiqda dhabta ah ayaa waxaa ay tahay oo ay cid walba ogsoon tahay in mabda’a ka dhaxeeya Kenya, Ethiopia iyo Al-Shabaab uu yahay in midkoodna uusan dooneyn Maabka ama Qariirada dalka Soomaaliya.

Maraykanka oo sheegay haddii ciidamada Itoobiya ay galaan Somalia ay sii xoogeysan doonto awooda Xarakada Al-Shabaab

Xafiiska wasaarada arimaha dibadda ee dalka Maraykanka u qaabilsan arimaha Africa ayaa ka digey in ciidamada Itoobiya ay mar kale gudaha u galaan dalka Soomaaliya, taasoo uu sheegay hadii lagu dhaqaaqo inaan laga dhaxli doonin wax aan aheyn awooda Xarakada Al-shabaab oo sii xoogeysata.

Qoraal saxaafada loogu talo galay oo shalay gelinkii dambe kasoo baxay xafiiska kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka u qaabilsan arimaha Africa Johnnie Carson ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanku ay ka walaacsan tahay ciidamada Itoobiya ee u talaabay dhinaca dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhexe.

Sidoo kale qoraalkaas ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanku ay aaminsan tahay in habka keliya ee meesha looga saari karo Xarakada Al-Shabaab, amaan iyo xasiloonina dalka Soomaaliya loogu soo dabaali karo ay tahay in la taageero ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ka howlgalaya magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu sheegay qoraalka iney mudooyinkan dambe guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab kana saareen magaalada Muqdisho.

“Ciidamada Itoobiya gudaha dalka Somalia muddo hadda afar sano iyo bar laga joogo ayey galeen, wax ka badan labo sano ayey ku jireen kumana guuleysan in wax horumar ah ka sameeyaan, waxa kaliya ee laga dhaxlayna waxay aheyd in awooda Xarakada Al-Shabaab ay aad u sii xoogeysato” ayuu yiri Johnnie Carson oo ka jawaabayey su’aal la weydiiyey xilli uu saxaafada la hadlayey taasoo aheyd waxa xiligan ciidamada Itoobiya ay ka bedeli karaan xaalada Somalia hadii ay galaan.

“Waxaan u sheegi lahaa Itoobiya inaysan xilligaan ku dag dagin Soomaaliya hase ahaatee waa inay qaadataa oo ay ka mid noqotaa AMISOM waayo hawlgalkeedii hore ma uusan guulaysan” ayuu yiri Johnnie Carson oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibbadda Maraykanka ee arrimaha Africa oo sheegay in arintan ay ku soo beegantay xili dowlada Maraykanka ay ka walaacsan tahay gelitaanka ciidamada Kenya ee Somalia.

Hadalka dowlada Maraykanku ka soo yeeray ee ciidamada Itoobiya looga digayo iney galaan Somali ayaa ku soo aadaya deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka Somalia ay dhowr beri ka hor soo galeen boqolaal ka tirsan mileteriga Itoobiya oo ku qalabaysan gawaarida dagaalka kuwaasoo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab halkaas ka bilaabay, inkastoo dowlada Itoobiya ay dafirtay in ciidamo kuweeda ah ay u soo talaabeen Somalia. 

About these ads

Posted on November 23, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Muqdisho roadmap-ka Maxaa looga Qadiyay ??

    Cadaalada oo laga fogaadaa waxaa aay abuurtaa colaad joogta ah iyo faqri foolxumo iwm Sh.Shariif waxaa uu umada Somali u horseeday cadaalo daro aad iyo aad u xoog badan,caasimada Somali ee Muqdisho oo ah gogashii dowlada ku shaqeeyneeysay maxaa diiday in roadmapka ama masiirkii dalkaan meesha looga hadlayay aayayn marna ka muuqan ?? Muqdhsio waxaa laga galay danbi kiisa ugu weeyn akhristow milicso :arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha gobolka.

    Muqdisho oo ah caasimada dalka Somali ahna gobolada ugu dadka badan uguna dhaqaalaha badan ayaa waxaa laga qadiyay in aay ka qeeybgasho shirkii wadatashiga ee Muqdisho lagu qabtay aayna ka soo baxday waxa manta loo yaqaan roadmapka,heshiiska oo aay wada gaareen Puntland,Galmudug dowlada dhexe iyo Ala suna waljameeca ,hadaba Muqdishoo oo aheeyd hooyadii gogashii shirka miyeey mudneeyd in laga qadiyo meesha looga hadlayay masiirkii dalka ee berito ?? intaba waxaa aay tahay cadaalo daro xoog badan oo aanan marna loo dulqaadan karin,sow lama dhihi karo akristow Sheekh Shatriif cadaalo daro xoog badan ayeey ka tirsanayaan reer Muqdisho ka qadinta laga qadiyay ka qeeybgalka wada-tashiga masiirka dalka ee berito ?? lama ogolaan karo in hal Qabiil aay dowlada dhexe kula heshiiso Garowe qodobo Somalida inteeda kale ku ah dulmi iyo cadaalo daro qaranka Somaliyeedna ku ah mid aayan iskula jaan qaadi karin xaga cadaalada iyo sinaanta,Muqdisho waxaa aay leedahay siyaasiyiin,aqoon yahayn,indheergarad cuqaal maxaa diiday in aay wax ku lahaadaan shirka wadatashiga ?
    Arimaha dhaqaalaha Muqdisho

    Gobolwalbaa waxaa uu ilaaheey ku maneeystay qeeyraad dabiici ah,waxaa la og yahay in Muqdisho aay leedahay ilo dhaqaale sida Dekeda iyo Airporka oo xaqiiqdii laga helo daqliga ugu badan ee dowlada dhexe ku shaqeeyso,hadaba akhristow ma ogtahay in Muqdisho dhaqaalaha ka soo baxaa Dekeda iyo Ariporka looga qoondeeyay oo kaliya 15 % in lagu horumariyo caasimadii dalka ee Muqdisho,85% dhaqaalaha ka soo baxaa kaabaha dhaqaale ee Muqdisho waxaa qaadata dowlada dhexe iyada oo la ogyahay in dhaqaalahaa badankiisa aay maamulaan kuwa aanan marna ehel u heeyn,dowlada dhaxe gobol kale oo aay wax ka soo galaan ma jiro sida la ogyahay,sow xaqdaro maaha in mushaar looga dhigo kuwa ka yimid gobolo leh qeeyraad la mid ah mida Muqdisho ?? r/waasaha heebta uu ka soo jeedo 1% ma siiyaan dowlada dhexe,Dekedaha iyo Airpoyada Bosaaso iyo mida Barbara daqliga ka soo gala waxaa lagu hormariyaa Puntland iyo Somaliland sow lama dhihi karo Muqdisho waxaa aay noqotay meel loo soo shaqo doonto halka dadkii u dhashay aay ka qatan yihiin qeeyraadkoodii ilaah ku maneeystay,canshuuraha dhawaan laga bilaabayo Muqdisho waxaa mudan in lagu horomariyo Muqdisho,dowlada dhexe waxaa quman in aay gobolada dalka si siman aay ugu cadaalo fasho, Wasiirka Beeraha Puntland ayaa heshiis la sixiixday wasiirka dowlada dhexe ee Beeraha sow cadaalo daro iyo hagardaamo cusub maaha,dhulii beeraha lahaa ee labada webi dadkii degenaa maxaa diiday in loo muujiyo waxqabad laguna heshiiyo horumarka Beeraha goboladaa,Shariif umada Somali waa aay arkeeysaa waxa aad u horseeday fadlan soo celi cadaalada iyo sinaanta umada Somali,haddii kale aduunyo iyo aaqiro beel ayeey kuu tahay waxa aad ku dhex jirtid.

    Qarka waxaan ka taaganahay Xareed waana qadayaaye, Qarashaan saxiixaa anigoo qabihi weeydiine. Qunbaan waardiyeeyaa ninkale Qaadada u sito, Qabuuraha waxaan ugu duwanahay qolofka muuqaa. ( Waa erayadii abwaankii Cabdulle Raage Ilaah u naxariistee mar hada laga joogo ku dhawaad 30 sanno) Shraiifow Qunbaad waardiyeeysaa ninkale Qaadada u sito haddii aay tahay fadalan shacabka waa ku arkaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: