Xildhibaanad Ubax Cabduqaadir oo qabatey dood looga hadlaayo Is-dhex galka Bulshada iyo caqabadaha hor taagan.

Xildhibaanad Ubax Cabduqaadir oo qabatey  dood  looga hadlaayo  Is-dhex galka Bulshada iyo caqabadaha hor taagan is-dhexgalka bulshadda.

Ubax Cabduqaadir oo  ah xildhibaanad kusoo biirtey Golaha Deegaanka ee magaalada Oslo  ayaa  bilawdey  in ay u istaagto  sidii ay isugu soo dhaweyn lahayd  Bulshada Soomaaliyeed iyo Bulshada  martida loo  yahay ee Noorweejiga.

Doodan ayaa waxaa looga hadlaayey   Caqabadaha hor taagan is dhex galka Bulshada Norweejiga iyo Soomaalida, Doodan ayaa lagu lafa gurey  caqabadaha  oo aan lasoo koobi karin  laakiin asal ahaan  waxaa lagu tilmaamey  in dhaqanka  iyo diinta  ay ugu badan yihiin waxyaabaha   ka hortaagan in  labada bulsho is dhex galaan.

Waxaa lagu martiqaadey Sheikh Maxamed oo   si wanaagsan   iskugu dayey in uu ka  dhaadhiciyo kaqeybgalayaasha   asagoo uga jawaabey su’aalahooda, mar wax laga weydiiyey   in  deynta  loo qaadan karo  Waxbarashada (Studio lønn) ayaa waxuu uga jawaabey  sidaan:- ” daynta  loo qaato iskuulka  waa xaaraan hadii  ay dulsaar (RIBBO) leedahay.
Sidoo kale mar uu ka jawaabayey Su’aal  ku saabsan  ”Xijaabka maka hor istaagi karaa naagta in ay shaqeysato? waxuu ku jawaabey sidan:- Qofka in uu xerto xijaab weyn  ama mid yar  waa  asaga  u gaar ah oo go’aan shaqsi ahaaneed waaye.

Raashiinka  Xalaasha

Naag ka mid ah dhageystayaasha ayaa sheegtey in ay ka shaqayneysey  xanaanadda caruurta muddo 17 sanno ah, waxaa   dhacdey in ay  bateen caruurta   muslimiinta oo xanaanadda la keeno oo noqdey tiradii ugu badneyd, kadibna waxay xanaanada go’aan ku gaartey in loo soo gado cuntada xalaasha  maadaama ay bateen caruurta Muslimiinta.

Waxaa sidoo kale su’aal laga weydiiyey  Sheekha in naag imaam noqon karto ? waxauuna ku jawaabey sidan:-  wax dhib malaha hadii ay naaga imaam u noqoto.

Waxaa Barnaamijkan  ka shaqeeyey xildhibaanadda Golaha Deegaanka  Ubax Cabduqaadir iyo Hayada IMDI, waxaana fududeeyey Nuxur Media.

Waxii fikir ah, talo iyo tusaale  ku qor qeybta hoose.

 Full story:Nuxur

Posted on November 12, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: