Itoobiya iyo Al-Shabaab oo si wada jir ah u difaacaya maslaxadda ka dhexeysa ee dalka Soomaaliya.

Masalaxaddii ka dhexeysay Xarakada Al-Shabaab iyo dowladda Itoobiya ayaa u muuqata inay bilaabatay, ka dib markii ay soo baxeen warar badan oo sheegaya in ciidanka Itoobiya ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya, taas oo aad uga farxisay Al-Shabaab oo ogsoonaa in Shacabka Soomalaiyeed ay aad u neceb yihiin Itoobiya, sidaasi darteedna ay Al-shabaab ku heli doonaan taageerayaal badan.

Markii laga soo tago arrintaas waxaa jira maslaxad ka dhexeysa Itoobiya iyo Al-Shabaab, sababtoo ah, Labadooduba ma doonayaan, inay sii jiraan wax la yiraa Soomaaliya iyo soomaali, intaas waxaa u sii dheer, Al-shabaab waxay doonayaan inay sii jiraan oo ay Soomaliya ka taliyaan, in kastoo hadda awoodoodii la wiiqay oo ay u muuqdeen, kuwa taag daran oo daaqadda ka sii baxaya, hadana arrintaasi dani uguma jirto Itoobiya oo dano badan ka leh dalka Soomaaliya, sababtoo ah waxaa ku adkaanaysa inay hesho qiil kale oo ay Soomaaliya ku qabsato,  haddii meesha Al-shabaab meesha ka baxaan, sidaasi darteed waa in Al-Shabaab sii joogaan si ay u noqdaan wadada loo marayo fulinta maslaxadda dalweynaha Itoobiya loo bixi doono, kaas oo loola jeedo Soomaaliya iyo Itoobiya oo laysku daray.

Sidaasi darteed masalaxadda ka dhexeysa, waa in Al-Shabaab ay soo gelitaanka Itoobiya ka faa’iidayso helitaanka taageerayaal iyo dhaqaale fara badan oo uga yimaada shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya neceb, halka Itoobiyana ka faa’iidayso inay qiil u haysato in Al-Shabaab la dagaalankeedu uu yahay waajib saaran Itoobiya oo nabad gelyada dalkoodu uu khatar gelayo haddii aysan dagaalkaas soo qaadin oo aysan Soomaaliya soo gelin.

Si kastaba Al Shabaab ma qarsan inay aad ugu faraxeen hadalkaas ah soo gelitaanka |Itoobiya ee Soomaaliya, waxaana maanta shabakadaha internetka ee Soomaalida cinwaanka ugu badan yahay “Al-Shabaab oo soo dhawaysay Itoobiya soo gelitaankeeda” taas oo kuu cadaynaysa inay ku faraxsan yihiin isla markaana ay xittaa qarsan waayeen.

Sida ay qortay Wakaalada wararka ee Reuters Xarakada Al Shabaab ayaa soo dhaweysay soo galitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo dhinaca kale sheegay in ciidamada Kenya ay ku fashilmeen weerar ay ku sheegeen gardaro oo ay kusoo qaadeen Xarakada Al Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Al Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo Wakaalada ay soo xigatay ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay soo dhaweynayaan kuwaasi oo uu sheegay in ay ku fashilmi doonaan soo galitaankooda gudaha dalka Soomaaliya, isagoo ku faanay in ay u dhigi doonaan cashar lama iloobaan ah, isagoo malaha isku halaynayay taagero fara badan oo kooxdu ka hesho, Soomaalida Itoobiya Neceb.

Waa markii ugu horeysay oo Xarakada Al Shabaab ay soo dhaweyso ciidamada Ethiopia ee soo galay dalka Soomaaliya inkastoo dowladda  Ethiopia ay beenisay in ciidamo kuweeda ah ay ku jiraan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, halka shacabka deeganada ay soo galeen ay xaqiijiyeen, taas oo ay sii dheertahay warar diplomaasiyadeed oo xaqiijinaya jiritaanka arrintaas.

Full story: somaliswisstv 

Posted on November 23, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: