Qaramada Midoobay oo sheegtay in taageero la siiyo dowladda KMG Somalia ay ku xiran tahay sida ay u hirgeliso heshiiskii Road Map-ka

Riwaayadi Dibindaabyadii Mahiiga ee kookda Qaylodhaan 

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalia Augustine Mahiga ayaa ku adkeeyay dowlada KMG Somalia muhiimadda uu leeyahay qorshe howleedkii Muqdisho dhinacyada Soomaalidu ku saxiixeen, waxaana uu tilmaamay waxyaabaha ku xusan ee loo baahanyahay in la fuliyo ka hor inta uusan dhamaan xilliga KMG.

“Waxaa muhiim ah in deeq bixiyaashu gartaan dhexdhexaadnimada qorshe howleedka (Road-Map), iyo ahmiyadda uu u leeyahay geedi socodka siyaasadda iyo nabadeynta Soomaaliya, waana inay taageeraan si uu u dhaqan galo” ayuu yiri Mahiga Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalia.

Mr. Mahiga ayaa madaxda Soomaalida dhankooda u sheegay in kaalmooyinka mustaqbalka la siin doono ay ku xiranatahy qaabka ay diyaarka ugu yihiin fulinta qorshe howleedka Road map-ka iyo doorka ay ka ciyaareen sidii loo hirgelin lahaa wadiiqooyinka uu tilmaamayana loo mari lahaaa.

Somalia weli waxay ka mid tahay qadiyadaha ugu adag beesha caalamka, halka wax oo la hubana waxa weeyaan ka qeyb qaadashada dhamaan dhinacyada daneeya Soomaaliya dhamaan heerarkooda, iyo balanqaadka in laga faa’ideysto waa fursad aan la heli Karin” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalia xili uu la hadlyey Wargeyska The East African Standard ee ka soo baxa magaalada nairobi oo uu wareysi gaar ah siiyey.

Mahiga waxa uu sheegay in go’aanka faragelinta Kenya ee Soomaaliya u yahay mid marqaati ka ah sida ay dhamaan beesha caalamka iyo dalalka deriska kaga go’antahay la dagaalanka waxa uu ugu yeeray xagjirnimada Soomaaliya, wuxuuna xusay in QM ay go’antahay iney taageero dhinac walba leh siiso cid walba oo la dagaalmeysa Xarakada al-shabaab si shacabka soomaalida iyo wadamada deriska la ah soomaliya ay nabad ugu nooladaan.

Posted on November 24, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: