Bilicda gabdhaha soomaaliyeed

 

Miyi iyo magaalo meel kasta oo ay joogaanba bilicda ama quruxda gabdhaha Soomaaliyeed, wey isu dheelli tiran tahay, marka asal ahaan dhanka midabka laga eego madow iyo maarriinba, waana mid jalleecada indhaha soo jiidaneysa siiba hab dhismeedka jirkooda iyo gaar ahaan muuqooda guud ee ilwaadda leh.

Damiirka ayaa i faraya inaan qiro horyaalnimada astaanta bilicda iyo bidhaan wanaagga, hablaha Soomaaliyeed, waayo dunida oo dhan baa qirsan hannaan qurxoonida filsamida dumar keenna oo ku soo baxaya huga dhar xirashada nuuc walba oo ay ka qaataanba. 

Sida ay abwaannada iyo wax garad waaya arag ahiba qabaan, gabadhaha Soomaaliyeed ee xurmada mudan tilmaan ahaan, waxey ugu qurux badan yihiin, marka ay xishood dartii farta dhexe la qaniinayaan ee ay dhabanka si dadab ah u sii jeediyaan, iyo marka ay sida kalsoonida leh u sheekeynayaan ee ay farxadda la dhoolla caddeynayaan.

Eeg gabadhaha Soomaaliyeed filsamida ka muuqata marka ay sitaan dharka hiddaha iyo dhaqanka, siiba boqorka iyo dhaclaha, cunnaabida, kuusha iyo makowga, sidoo kale bal isha la sii raac marka ay xiran yihiin ( dharka alindiga ah nuucyadiisa kala duwan ) .

Adiga oo aan ku talax tagin indhaha la raac marka ay xjibaan yihiin ee ay ku hor marayaan quruxda ka muuqata, bal hoos u sii bacleel oo il qooraansi ku eeg marka ay guriga dhex joogaan ee ay sitaan diraca nuucii ugu danbeeyay, gaar ahaan baac weynaha, aan ku weydiiyee, ma cid ka qurux badan baa jirta?.

Quruxda hablaha Soomaaliyeed, waxaa laga amaanay ilaa iyo hey’adda filimada sameysa ee holywoodka, waxeyna jariiradda ( The New star ) gabdhaha soomaaliyeed ku sheegtay ” in ay yihiin kuwa dunida ugu sarreeya dhanka quruxda iyo midabka, inkasta oo lagu soo lamaaniyay gabdhaha reer itoobiya, haddana shirkadaha daneeya filim sameynta dalabkooda koobaad ee xilligan waa gabdhaha soomaaliyeed.

Sidoo kale hablaha soomaaliyeed waxey horyaal ka yihiin bilicda iyo soo bandhigyadda carwooyinka dharka (modell ) waayo gabdhaha daadihiya ee gar wadeenka ka ah ayaaba soomaali ah, waxeyna ku kasbadeen bilicda uu ilaahey siiyay mullaaxda midabka maarriin dhalaalka ah iyo midabka madow labeenta leh.

Qurux kaliya maahee gabdhaha soomaaliyeed intaa karti wax qabad baa u sii dheer, waxaanse gabdhaha kula dardaarmayaa meel kasta oo ay joogaanba “anshax wanaag ay ku mateli karaan magaca dalka iyo dadka soomaaliyeed” gunaanadka hadalkuna waa tixo ka mid ah abwaan hadraawi heestiisii aheyd hablaha geeska afrika:-

Hablo weerar geli kara 
Gobanimana hanan kara 
Hablo talada goyn kara 
Garta madal ka niqi kara 
Garashana isaga mid ah 
Quruxdana ka wada gob ah 
Gees keenna mooyee 
Geyi kale ma joogaan.

Posted on November 25, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: