Madaxweyne Shariif oo la weydiiyey sababta uu shalay u diidanaa ciidamada Itoobiya, maantana uu u ogolaaday ayaa yiri…

Ma rumaysantahay in madaxweynaha somalia ay hadda tahay xilligii uu dadkiisa waydiisanlahaa cafis maadaama uu shalay uu yiri ethiopia ayaan la jihaadaynaa ayna waalid badan ku waayeen caruurtoodii dagaalkii baydhabo,iidaale, safarnoolays moodamoode iwm , maantana uu taagan yahay waa ok Etoobiya in ay Soomaliya soo gasho

Madaxweyne Shariif oo la weydiiyey sababta uu shalay u diidanaa ciidamada Itoobiya, maantana uu u ogolaaday ayaa yiri…

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaweynaha dowladda KMG Somalia ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diiday inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya, sidoo kalena ay diiday inay ka mid noqoto ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho arrimo iyada u gaar ah awgeed, laakiin ay ogolaatay inay ka taageerto ciidamada dowladda KMG tababarka iyo dhinaca saadka.

Madaxweyne Shariif oo la weydiiyey su’aal aheyd sababta uu shalay u diidanaa soo gelitaanka ciidamada Itoobiya maantana uu u ogolaaday ayaa waxa uu yiri “Waxaa jira duruufo kala duwan oo u dhaxeeyay waqtigaasi iyo hadda.

“Inagu markii aan Maxkamadaha aheyn waxaan ogoleyn wadahal waana kii ka socday dalka Suudaan, laakiin Al-shabaab ma ogola wadahal, sidoo kale beesha caalamku way ku degdegtay in Maxkamadihii xukunka laga tuuro, iyadoo la kala ogaan cidda wadahalka diidan iyo cidda ogol intaba” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Dhinaca kale Madaxweyne Sheekh Shariif mar wax laga weydiiyey soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya oo uu diiday soo gelitaankooda, markii dambana uu ogolaaday ayaa waxa uu sheegay in Kenya ay hadda ogolaatay inay ka mid noqoto ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho.

“Dowladda Kenya waxay naga ogolaatay inay ciidamadeeda ka mid noqdaan ciidamada AMISOM, ayna ka amar-qaataan, sidaas ayaana ku fasaxnay, laakiin Itoobiya ka mid noqoshada AMISOM way naga diiday, waxayna dalbatay inay hoostageynin AMISOM, ayna sheegtay inay dhinaca farsamada ka taageerayso ciidamada AMISOM, balse aysan Soomaaliya soo geli doonin” ayuu yiri mar kale Madaxweyne Shariif oo aan ka hadlin ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif mar wax laga weydiiday qorshaha Road Map-ka iyo qaladaadkiisa ayaa waxa uu sheegay inaan la tashi badan lagala sameyn dowladdiisa Road Map-ka isla markaasna uu ahaa mid kor looga keenay oo si duubduub ah ku qaata la yiri, laakiin hadda diyaar loo yahay in la saxo wixii qaladaad ah ee dhacay, sidoo kalena dadka Soomaaliyeed ay iyagu go’aan ka gaari karaan, haddii ay fahmi waayaana ay iska diidi karaan ama ay ogolaan karaan.

Madaxweynaha ayaa hadaladan ka sheegay kulan dood ah oo ay soo qabanqaabisay heyadda wadahadalka iyo cilmi barista ee CRD oo xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada kaasoo qeybaha kala duwan ee bulshada ay si toos ah madaxweynaha ugu weydiinayeen su’aalaha ay doonayaan in looga jawaabo.

Daawo Sawirada madashada kullanka.

Posted on November 29, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: