Muqdisho oo aay degen yihiin Somalida inta ugu tirada badan

Sh. Shariif in uu Garoowe ka doonto taageero siyaasadeed kulana heshiiyo siyaasad Somalida inteeda kale ku ah cadaalo daro iyo sadbuuri waxaan ku tilmaani karaa Hagarsi.

Muqdisho oo aay degen yihiin Somalida inta ugu tirada badan, joogaan aqoon yahano, indheergarad, siyaasiyiin iyo waxgarad kama uusan doonin taageero siyaasadeed iyo mid umadnimo sabbabta oo ah Roadmapka la wadaa oo ah masiirkii umada Somali kam amid ah iyadana waxaa lagu tilmaami karaa hagarsi.

Dhaqaalaha aay dowlada ku shaqeeyso waxaa 100 % uu ka imaadaa dekeda iyo madaarka Muqdisho iyada oo la og yahay in dowladaani aay tahay mid awood qeeybsi 4,5 baarlamaankana uu yahay 550 xildhibaan oo ka kala yimid gobolada Somali oo dhan ayaa hadana wax dhaqaale ah uusan ka soo gelin dowlada dhexe gobolada aay ka yimaadeen ama matalaan xildhibaanada ka kala yimid gobolada Somalia halka mushaarkooda laga bixiyo daqliga dekeda iyo madaarka Muqdisho iyadana waxaa lagu tilmaami karaa hagarsi.

Waxaa mudneeyd in Boosaaso iyo Berbara canshuurta laga qaado dowlada dhexe mushaar ugu dhigto xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda goboladaa, maxaa diiday in R/wasaaraha iyo wasiirada ka soo jeeda goboladaa aay bixiyaan mushaarkooda kuwa dowlada dhexe ka haya xilalka ugu waaweeyn.

Barnaamijkii Dood-Wadaag ee R/wasaaraha ayaa waxaa uu ku raftay in canshuurta waa in aay bixiyaan ganacsatada reer Muqdisho aad ayaan ugu xumahay in loo hanjabo ganacsatada reer Muqdisho halka kuwa Garowe iyo Bosaaso iyo Hargeeysa aayan siinin dowlada dhexe wax canshuur ah,w/gaashaan-dhiga iyo r/wasaaraha miyeeynan ogeeyn in cida aay mataaln magac uun uu yahay balse aayan bixin wax dhaqaale ah. Intaba waa garasho la’aan iyo hagarsi.

Ethiopia iyo Kenya in aay sharci ama sharcidaro ku soo galaan waa garasho xumi, waxaana intaa masuuliyadeeda qaadaya Shariif oo dayacay aadna ugu fogaaday in uu la tashado siyaasiyiintii,indheergaradkii iyo waxgaradkii badbaadinlahaa dalka ee reer Muqdisho, shalay Ethiopia waad diidaneeyd maanta sedee u ogolaatay ??

Puntland iyo Somaliland inta kaga jirta dowlada dhexe inta aay u shaqeeynayaan danaha dadkooda, fulinaayaan siyaasada gumeeysi doon ah sida aad ka aragto R/wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhiga qaabka aay u wajahayaan siyaasada gumeysig cusub oo aanan cidna ka qarsaneeyn, reeraha aay u dhasheen kuma dhimanayaan labadaba waayo ciidamo kuma laha dowlada dhexe, dowlada daqli kuma taageeraan reerha aay ka dhasheen, ololaha aay wadaan labada sow qalad maaha??

Intaba waxaa sabbabay cadaalada oo uu ka fogaaday shariif sabbabta oo ah Somali oo dhan waxaa aay arkaan waxa C/weli iyo Faroole iyo Caalin aay isku raaceen adigana aad ogolaatayin aay mataaln Somali oo dhan, aaway Somalida inteeda kale ?? 

Ethiopia waxa la dagaalamay reer Muqdisho waana la dagaalamayaan marlabaad haddii aay yimaadaan caasimada, inta aad ka fotahay kuwa ehelka kuu ah ee reer Muqdisho habaawga waad ku jiree, dariiqa xaqdaradana iyo cadaalad xumida waad ku dhimanee.   

Tarsan waxaan dhihi lahaa ama ka muuqo ama ka maqnaaw, sabbabta oo ah in sidaasi aad ku noqoto Duqa Muqdisho iyo Gudoomiyaha G.Banaadir waa kuu sharaf dhac, adiga oo gogashii sharka ( Roadmapka ) in aadan ka qeeyngelin balse bahdilid aad u weeyn ayeey ku tahay reer Muqdisho,sorry in aad weli sii ahaato Duqa iyo Gudoomiyaha G.Banaadir.

Posted on November 30, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: