Dowladda Britain oo shaacisay xilliga ay qabanayso shir caalami ah oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya

Talaado, November 29, 2011 − Dowladda Britain ayaa sheegtay inay bisha Feberaayo ee sannadka soo socda ay dalkeeda ku qabanayso shir calaami ah oo looga hadalayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sidii lagu heli lahaa daganaasho iyo arrimaha bani’aadamnimada.

xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, William Hague ayaa sheegay in shirkan oo uu qabanayo ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, David Cameron uu ka dhici doono London 23-ka bisha Feberaayo ee sannadka 2012.

“Hadda waa waqtigii aan rumeysannahay in la raadiyo tallaabo caalami ah laga qato arrimaha murugasn ee Soomaaliya,” ayuu Hague u sheegay xubnaha baarlamaanka dalka Britain, isagoo intaas ku daray. “Dalka Soomaaliya wuxuu la daalaa-dhacayaa xaalad bani’aadamnimo, waayo waa goob ay saldhig ka dhigteen argagaxiso iyo burcadbadeed, taasoo ku an dalkeenna caqabad weyn.”

Xukuumadda UK, ayaa waxay ku tilmaantay Soomaaliya dowlad guuldareystay iyadoo sheegay inay halis ku tahay dalkooda, iyagoo si gaar ah carrabka ugu dhuftay in dhallinyaro u dhashay dalkooda ay Al-shabaab ku tababarto gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain ayaa u sheegay baarlamaanka Isniintii shalay in tobannaan kun oo Soomaali ah ay dhinteen bilihii ugu dambeeyay, halka malaayiin qof oo kalena ay gudaha ku barakeen ayna haystaan xalaado bani’aadamnimo oo aad u daran.

“Ujeedada shirka aan ku qabanayno London bisha Feberaayo waa in la helo heshiis ay dunida oo ku wajahayno wax ka qabashada Soomaaliya,” ayuu yiri Hegue oo intaa ku daray inay qorsheynayaan shirkaas uu noqdo mid meel-mara.

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay shirkaas, iyadoo ra’iisul wasaare C/weli Gaas uu sheegay in shirkaas looga hadlayo sidii dunidu ay isaga kaashan lahayd nabad kusoo dabbaalidda Somaaliya, balse uusan ahayn mid lagu burburinayo dowladda jirta.

Posted on November 30, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: