Muqdishow Waa Magaalo Taariikh Fac Weyn – MultiethnicSociety –

 

Haddii aan wax ka xuso taariikhda faca weyn ee ay leedahay Magaladda Madaxda soomaaliya ee Mogadisho, oo  ka mid ah  gobolka Banaadir . Runtii ma ha mid qoraalkaani lagu soo koobi karo balse waxaan jaclahay in aan si kooban u xuso oo aan wax ugu tilmaamo taariikhdda haddii Alla idmo.

Haddba guud ahaan gobolka banaadir waa degaan aad u baalaran oo ilaahay ku maneystay khayraad fara badan oo dhul iyo bad ba leh. Dadka degaankani benaadir degenaa waxaa ilaaahay  hibo u siiyeye ilbaxnimo iyo is qadarin oo ay ku dheehan tahay xadaarad fac weyn.

Taasoo ay caddeeyen qorayaashii badmareenadda ahaa ee dalkeena imaan jiray iyaga oo had iyo jeer ku soo xiran jiray xeebaha Banaadir sida Xamar (Mogadishu), Warshiikh, Marka Baraawe iyo Kismaayo iwm.

Culumadaasi waxay qoraladooda ay ku xuseen in xeebaha soomaaliya ay degenaayeen qowmiyada meel sare ka gaaray xadaaradda, muddo qarniyaal badan laga joogo sida ay tilmaameen badmareenadaasi caanka ahaa oo ay ka mid yihiin  “Ibna Batuuta, Vasco de Gamma, Maro Pollo , Cheng Ho, Fei Hsin iyo Hslao Kolan iyo kuwa kale “

Waxaan tusaale gaaban u soo qadanayaa caalimkii Ibna batuuta oo ku sheegay buugiisa oo uu qoray qaranigii 13aad inuu ku arkay xeebaha Soomaaliyeed dad nabada jaceel isla markaasina ku dhaqma nidaam iyo kala dambeyn kuna barbaariya dhalaankoodda barashadda diinta islaamka wuxuuna sheegay inuu ku arkay dad ganacsiga ku xeel dheer, kuwaaso lahaa xirfaddo kala duwan, wuxuuna dadkaasi ku tilmaamay dad ku fiican soo dhaweynta.

Waxaa oo kale uu Ibna Batuuta sheegay in magaalada  Mogadish – Xamar ay ka dhisnaayeen dhismooyin aad iyo aad u qurux badan oo la tartami kara dhismooyinka waa weyn ee markaasi dunidda ka jiray. Haddii aan tusaale kale u soo qaato qoraagii Emrico Cerculli, qoraaladiisa wuxuu ku xusay in magaaladda Mogadishu (Xamar) ay ka jireen laba xafadood oo waa weyn oo caan ahaa kuwaasi oo kala ahaa Xamar weyne iyo Shangaani oo lahaan jireen goobo muujinaya taariikhda soo jireenka ah sida dhismaha masaajiddada kala ah Jaamacadda Xamar weyne, Masjidka Fakhrudiin, Misjidka Arbaca Rukun iyo Masjidka Cabdulcasiis   iwm.

Dhismayaashaasi oo idil waxay muujinayaan xaraaddada dadkii degenaa magalada Mogadishu (Xamar). Waxaa xusid mudan sannadkii 1986 dii oo dib loo dhisay masjidka Shariif Ahmed kuna yaalay degmadda shingaani, waxaa laga helay dhismo aad u fac weyn oo lagu qiyaasay 1200 sannaddood ka hore in la dhisay, taasina waxay marqaati cad u tahay in magaaladda xamar ay tahay magaalo aad iyo aad u faca weyn.

Sannadkii 1892dii, Mogadishu waxaa ka talinaayey Suldaankii Sansibaar, wuxuuna heshiis la galay Talyaaniga oo ka kireeyey Mogadisho muddo 25 sano ah, kiradaasi waxaa lagu qiyaasay lacag gaareysa ilaa 144,000 sterliini ah sanadkiiba inuu bixiyo, hase yeeshee Talyaaniga oo ahaa gumeysi wuxuu markii ba bilaabay xeelad iyo makri oo si tartiib tartiib ah uu ugu fiday goboladda konfureed asiga oo isticmaalaya awood military ah, hase yeeshee dadka soomaaliyeed si xoog leh ayay uga hor yimaadeen, dagaal qaraar na wuxuu ka dhacay Afgooye( Lafoole) oo la magac baxay dagaalkii Lafoole iyo Dhanaane oo dad badan isticmaarka kaga dhinteen isla markaasina jab weyn ay ka soo gaartay Talyaaniga, ka dibna isticmaarka talyaaniga wuxuu ku fiday dhamaan goboladda soomaaliyeed oo uu ka talinaayey muddo 70 sannadood ah. Dagaalkii labaad oo Ingriiska oo guul weyn ka soo hooyey, gumeysigii talyaaniga na oo halkaasi lagu jibijey, sidaasi darteed goboladda soomaaliyeed oo idil waxay mar kale ay gacanta u gashay ingriiska.

Markii Talyaaniga laga guuleystay waxaa magaaladda muqdisho soo galay maamulkii militariga ingriiska oo magaalo madax ka dhigtay muqdisho, isla markaasina ka sameeyey maamul hoose oo dhallinyaradda soomaaliyeed hogaanka u qabtay.

Sannadkii 1948dii magaaladda muqdisho waxaa yimid wafdi ka socda dawladihii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka oo uu ka mid ahaa Mareykanka, Ruushka , Ingriiska iyo Fransiiska, waxayna muqdisho ay u yimaadeen in ay afti ka qaadaan dadka soomaaliyeed ama ay ogaadaan rayiga dadweynaha soomaaliyeed in ay rabaan gobanimo iyo kale. Ka dib markii ay warbixintii ay u gubiyeen UN ka sidaasi darteed 5tii Oktoober 1949 waxaa UN ka go’aan ku gaartay in Talyaaniga uu maamulo muddo 10 sannadood ah iyadood 4 dawladoodna kor ka ilaaliya, 4taasi dawladdood oo kala ahaa Masar, Filippino, Liberia iyo Colombia.

Sannadkii 1960kii oo ahaa sannadkii ay soomaliya xornimaddeeda ka qaadateen  Ingriiska iyo Talyaaniga, sidaasi darteed magaaladda Mogadisho waxay noqotay meel ay ku soo qul qulaan shacabka soomaaliyeed iyaga oo doonaya in ay helaan shaqo iyo waxbarasho, waxayna Mogadisho noqotay magaalo aad iyo aad u weyn. Si tartiiib ah ay u soo kordheen dadkii deganaa isla markaasi na si xad dhaaf ah ayay u fiday, waan magaaladda ugu weyn ee soomaaliya oo ay degen yihiin dad lagu qiyaasay waqtigan xaadir ah   ilaa laba milyan qafood.

Dagaalkii sokeeye ee soomaaliya ka dhacay waxay dhaawac weyn gaarsiisay bilicdii magaaladda mogadisho oo maanta ay ka muuqato dhibaatooyinkaasi, waxayna u baahan tahay dayac tir weyn,  si loo soo celiyo haybadii iyo sharaftii ay lahayd magaalada Mogadisho.

 Wuxuu shacabka soomaaliyeed ka filayaa DFKM in ay wax weyn ka qabto sidii loo soo celin lahaa  bilcidii ay  magaaladda faca  weyne ee Mogadisho – Xamar ay lahaan jirtay, maxaa yeelay waxaa magaalo oo aan si na looga sabri karin (marna la ilaabi karin) magaaladda Muqdisho in ay tahay magaalo madaxda dalka soomaaliya taasi muran kama taagan hase yeeshee magaalada Mogadisho waxaa salidhig Eebbe uga dhigay dad wax ma garato ah oo si xad dhaaf ah u bur buriyey, ujeeddooyinka ka dambeysana ay tahay in la tirtiro goobaha taariikhi ah oo ay Mogadisho – Xamar xamabrsan tahay.

Sida runta ah qof waliba maanta waa uu ka dheregsan yahay meel kasta  uu ku sugan yahay (dibadda ma guddaba) in uusan heli karin magaalo u dhigan ta “East and West Home is the best “ Qofna dalkiisi hooyo ee soomaaliya   meel u dhaanta heli maayo haddii uu bar bar dhigo meesha uu maanta dunida uu kaga nool yahay.

Mogadisho waxay kulan satay jawi aan laga heli karin adduunka intiisa kale, hase yeeshee waxaa maanta u ehel noqday dad aan damiirba lahayn oo dan iyo xaajaba aan ka lahayn burburka magaladda . Haddaba waxaa is weydiin muddan, maxaa keenay inuu  muran fara badan uu ka dhasho ka dhigidd caasimada soomaaliyeed in ay noqoto Mogadisho ee DFKM degto iyo in kale, runtii waxaa filayaa in aan la heli karin magaalo maanta u dhigan ta in ay caasimad noqoto maxaa yeelay waxaan mar na indhaha laga qarsan karin in Mogadisho ay buuxisay wax alla wixii looga baahnaa caasimad in kastoo ay la kulantay burbur aad iyo aad u balaaran haddan wax iyada dhaanta ma jiraan ileyn dagaalka wuxuu aafeeyey dhamaan soomaaliya oo idil, sidaasi darteed waxaan kula talin lahaa DFKM in aysan ka shakin in ay degto magaalo madaxa soomaaliya ee Mogadisho ka dib markii la sugo aamaanka isla markaasina uu dawladda gacanteeda ay ku soo noqdaan hubka fara badan ee maanta ku baahsan guud ahaan dalka soomaaliyeed gaar ahaan magaalada Mogadisho oo aan filaayo in ay yaalaan hub aad iyo aad u fara badan oo u baahan in gacan aamaan ah loo soo celiyo.

Benadirland or Lalaland: A Myth or a Reality 

Ma filaayo  in ay jiraan qof diidan in caasimadda soomaaliya in ay noqoto magaalada Mogadisho – Xamar, haddii ay jiraan waxaan filayaa in ay yihiin dad aad iyo aad u yar marka la bar bardhigo dadweynaha soomaaliyeed.

Waxaan dadweynaha soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Mogadisho aan kula talin lahaa in ay dib u soo celiyaan  bilcidii iyo wanaagii lagu yaqiinay magaaladda mogadisho isla markaasina ay dhigaan hubka sharciddaradda ah oo lagu laayay shacab aan waxba galabsan si loo badbaadiyo jiilka maanta soo koraya.

Bimal elders on board the Marco Polo, 1907

Scan10011reduced50

Somalia – Mogadishu – The tomb of shek Suffi

Posted on November 30, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. 2 Comments.

  1. Qabiil Qaran Ma Dhiso

    Somaliland iyo Puntland waxaa samaystay oo iska leh Qabiil. Xamarna waa caasimadii Somaliya waxaana iska leh Somali.

    “Somaliland iyo Puntland waxaa samaystay oo iska leh Qabiil. Mogadisho waa caasimadii Somaliya waxaana iska leh Somali ee waa in sidaa loo fahmo.”

    ” Hargaysa tusaale ahaan qof gobolada kale ee Somaliya ka yimid ma ka noqon karo duqa magaalada laakiin Muqdisho duqa magaalada waxaa noqon kara qof kasta oo ka soo jeeda qabiilada Somaliya.”
    “Wadan aan caasimad lahayn wadan ma ahan. Magaalo Madaxdeenuna waa Muqdisho. Waana iftiinka Soomaalida. Marka waa inaan ku dadaalnaa sidaan usii iftiimin lahayn magaalada madaxda. Soomaalidana waa inay midnimada xoojiyaan”

  2. Muqdisho oo aay degen yihiin Somalida inta ugu tirada badan

    Sh. Shariif in uu Garoowe ka doonto taageero siyaasadeed kulana heshiiyo siyaasad Somalida inteeda kale ku ah cadaalo daro iyo sadbuuri waxaan ku tilmaani karaa Hagarsi.

    Muqdisho oo aay degen yihiin Somalida inta ugu tirada badan, joogaan aqoon yahano, indheergarad, siyaasiyiin iyo waxgarad kama uusan doonin taageero siyaasadeed iyo mid umadnimo sabbabta oo ah Roadmapka la wadaa oo ah masiirkii umada Somali kam amid ah iyadana waxaa lagu tilmaami karaa hagarsi.

    Dhaqaalaha aay dowlada ku shaqeeyso waxaa 100 % uu ka imaadaa dekeda iyo madaarka Muqdisho iyada oo la og yahay in dowladaani aay tahay mid awood qeeybsi 4,5 baarlamaankana uu yahay 550 xildhibaan oo ka kala yimid gobolada Somali oo dhan ayaa hadana wax dhaqaale ah uusan ka soo gelin dowlada dhexe gobolada aay ka yimaadeen ama matalaan xildhibaanada ka kala yimid gobolada Somalia halka mushaarkooda laga bixiyo daqliga dekeda iyo madaarka Muqdisho iyadana waxaa lagu tilmaami karaa hagarsi.

    Waxaa mudneeyd in Boosaaso iyo Berbara canshuurta laga qaado dowlada dhexe mushaar ugu dhigto xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda goboladaa, maxaa diiday in R/wasaaraha iyo wasiirada ka soo jeeda goboladaa aay bixiyaan mushaarkooda kuwa dowlada dhexe ka haya xilalka ugu waaweeyn.

    Barnaamijkii Dood-Wadaag ee R/wasaaraha ayaa waxaa uu ku raftay in canshuurta waa in aay bixiyaan ganacsatada reer Muqdisho aad ayaan ugu xumahay in loo hanjabo ganacsatada reer Muqdisho halka kuwa Garowe iyo Bosaaso iyo Hargeeysa aayan siinin dowlada dhexe wax canshuur ah,w/gaashaan-dhiga iyo r/wasaaraha miyeeynan ogeeyn in cida aay mataaln magac uun uu yahay balse aayan bixin wax dhaqaale ah. Intaba waa garasho la’aan iyo hagarsi.

    Ethiopia iyo Kenya in aay sharci ama sharcidaro ku soo galaan waa garasho xumi, waxaana intaa masuuliyadeeda qaadaya Shariif oo dayacay aadna ugu fogaaday in uu la tashado siyaasiyiintii,indheergaradkii iyo waxgaradkii badbaadinlahaa dalka ee reer Muqdisho, shalay Ethiopia waad diidaneeyd maanta sedee u ogolaatay ??

    Puntland iyo Somaliland inta kaga jirta dowlada dhexe inta aay u shaqeeynayaan danaha dadkooda, fulinaayaan siyaasada gumeeysi doon ah sida aad ka aragto R/wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhiga qaabka aay u wajahayaan siyaasada gumeysig cusub oo aanan cidna ka qarsaneeyn, reeraha aay u dhasheen kuma dhimanayaan labadaba waayo ciidamo kuma laha dowlada dhexe, dowlada daqli kuma taageeraan reerha aay ka dhasheen, ololaha aay wadaan labada sow qalad maaha??

    Intaba waxaa sabbabay cadaalada oo uu ka fogaaday shariif sabbabta oo ah Somali oo dhan waxaa aay arkaan waxa C/weli iyo Faroole iyo Caalin aay isku raaceen adigana aad ogolaatayin aay mataaln Somali oo dhan, aaway Somalida inteeda kale ??

    Ethiopia waxa la dagaalamay reer Muqdisho waana la dagaalamayaan marlabaad haddii aay yimaadaan caasimada, inta aad ka fotahay kuwa ehelka kuu ah ee reer Muqdisho habaawga waad ku jiree, dariiqa xaqdaradana iyo cadaalad xumida waad ku dhimanee.

    Tarsan waxaan dhihi lahaa ama ka muuqo ama ka maqnaaw, sabbabta oo ah in sidaasi aad ku noqoto Duqa Muqdisho iyo Gudoomiyaha G.Banaadir waa kuu sharaf dhac, adiga oo gogashii sharka ( Roadmapka ) in aadan ka qeeyngelin balse bahdilid aad u weeyn ayeey ku tahay reer Muqdisho,sorry in aad weli sii ahaato Duqa iyo Gudoomiyaha G.Banaadir.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: