Q.1aad – Dib u milicsiga magaalada Muqdisho – Mogadishu: Images from the Past -– MultiethnicSociety I

Qoraalkani, wuxuu da’ yarta amaba jiilka soo koraya iyo innta aan aqoon u iftiiminayaa muqdisho iyo waayihii ay soo martay, sidoo kale dadka waa weyn ee dhegta un ka maqlay magaca muqdisho ama xamar cadde, ayuu qoraalku u bidhaaminayaa muqdisho xusuusteedii beri hore iyo is beddelladii kala duwanaa ee ku soo dhacay.

Taariikh ahaan, magaca magaalada Muqdisho , waxaa uu ka soo jeedaa amaba luuqad ahaan uu ka yimid ( Maqcad shah ) oo ah eray faarisi ah lana mid ah ( halka uu boqorka fariisto ) sidoo kale, waxey leedahay oo loogu yeeraa magacyo kale sida:- Banaadir oo markeedii hore ka timid Bandar oo qudheedaba ah eray Persian ah iyo magaca seddexaad oo taariikh yahannada qaarkood ay aaminsan yihiin inuu ka soo jeedo amaba loogu magac daray ( Himyarite Kingdom ) ximyar oo isu rogtay xadarmaut ama xadarmuud aheydna saldanad boqotooyadii saba (sheba) ka dib ka hanaqaadday dalka yamen, sidaa darteed, waxey yiraahdaan magaca xamar waa ximyar ama xadarmuud oo isu rogtay xamar.

Sidaasi si aad uga duwan waxaa aaminsanaa Soomaalidii hore oo sida la xaqiijiyay dhab ahaan iyadu magaalada u la baxday magaca Xamar, maa daama uu geedka xamurka la yiraa ee ay mirihiisu cas cas yihiin amaba ay gud guduudan yihiin uu ku badnaa degaanka xamar iyo xamardaye oo marka bacaadka xeebta ah laga soo gudbana ciiddiisu ay aheyd carra guduud, taas oo ay ka dhalatay naaneysta ah  Xamar oo micna ahaan  noqonaysa midabka guduudan, sidaa darteed magaalada magaceedu mar waa dheddig oo waa Muqdisho, marna waa lab oo waa xamar cadde.

Safarleydii ajaaniibta aheyd ee ka kala imaneysay bari iyo galbeedka, ayey muqdisho u aheyd marin ama saldhig ganacsi iyo goob kulan oo ay ku kala war qaadan jireen intii markaasi isku aragti ka aheyd danaha ganacsi ee ay sida gaarka ah u wadaagi jireen. Sidoo kale dadyowgii marinka muqdisho sida is weydaarka aheyd isu daba marayay, waxaa ka mid ahaa Persianka, Turkida, Burtaqiiska iyo carabihii kala duwanaa oo intooda badaneyd ay Muqdisho u aheyd goob sahan iyo rugta hakadka nasiinada iyo sahay qaadashada, maadaama safarka ay Muqdisho u soo galayaan uu ahaa mid aad iyo aad u dheer xilli uusan matoor jirin ee ay naaquudayaasha doomaha haga ay adeegsan jireen un maryaha dabeysha iyo xeelad gacmeedkooda.

Muqdisho, waxey laheyd seylad amaba suuq weyn oo fagaarihiisa maalmaha talaadada iyo khamiista ah lagu soo bandhigi jiray badeecado kala duwan cid walibana ay keeni jirtay waxa ay heysatay oo kala ahaa ( Nuucyada dalagga beeraha, seddexda meesin ee xoolaha iyo kalluunka gaar ahaan dhegaha yaxaaska oo yurub iyo aasiyaba loo iib geyn jiray iyo mallaayga nuuca milixda ama cusbada lagu qallajiyay ee loo yaqaanno malliixaanka iyo weliba dharka alindiga ah ee gacanta lagu sameeyo, qalinka, Dahabka, beeyada amaba aan iraahdee meydiga fooxa iyo faleenka ).

Intaasi waxaa hareer socday waxyaabaha daruuriga ah ee maalin walba aan nolosha looga maarmin oo aan iyagu talaado iyo khamiis midna ku xirneyn ee sida joogtada ah suuqa looga heli jiray, waxaa ka mid ahaa:- Hilibka, caanaha, badarka, qudaarta, dhuxusha, qoryaha, ukunta iyo cowska oo dhamaantoodba marti loogu ahaa dadka degaanka xamardaye oo iyaguna badeecadahooda ku beddelan jiray raashinka ( sokorta, saliidda, bunka, cusbada, irbadaha, sakiimaha iyo dharka caadiga ah oo u badnaa baftooyinka cad cad oo  raggu uu garwaaxeysan jiray dumarkuna ay xilligaasi si gerxerasho ah ugu xarragoon jireen ).

Scan10006cropped

Suuqa ama seyladda wax kala iibsiga badeecadaha waxaa uu ku yaallay meesha hadda uu ka dhisan yahay kawaanka mallaayga dhabarkiisa danbe, gaar ahaan inta u dhaxeysa barxadda masjidka jaamacadda iyo suuq yaraha koodka oo xilligaasi ahaa dhul bacaad ah oo iska bannaan.

Sidoo kale xeebaha, siiba xeebta  ( Socondo lido ) jamallada ku xeeran sida:-hoobaalka, mool xaniid, geel laq, mool caliyow, mool mugdi iyo jamal jaan oo intuba ay maanta carruurta ku dhex dabbaalato, waxey ahaayeen guryo iyo xafiisyo magaalada laga maamuli jiray, weyse lumeen laakin weli raadkoodii baa jamallada ka sii muuqda gaar ahaan sallaannada ama jaran jarooyinkii ay guryahaasi lahaayeen ee leysaga gudbayay waqtiyadii uu dhismahoodu cusbaa ee ay shaqadu ka dhex socotay.

Magaalada dhismaheedu, wuxaa uu si dadab ah uga soo billowday afaafka xeebta ku dhirirsan seddexda xaafadood ee kala ah ( Xamar jajab,  xamar weyne, shangaanni,  iyo qeyb ka mid ah  C/casiis gaar minaaradda gabowga ah ee masjidka C/casiis ee ku taalla wejiga albaabka dekaddii hore dhinaceeda bidix.

scan10028

Qaab dhismeedka magaaladu, wuxuu ahaa laba nuuc oo kaliya ( daaro dhagax ah iyo carshaan lagu dahaari jiray geedka loo yaqaan baal makuutiga ee xeebaha ka bixi jiray ).

 

Muqdisho, waxey soo if baxeedii la soo kowsatay xadaarad fog iyo ilbaxnimo qadiimi ah oo ay  ka soo dhaxashay qowmiyadihii kala duwanaa ee xeebaheeda cagta soo mariyay, taasina waxaad ku garan kartaa dhismayaasha gabowga ah ee weli uu raad koodu ka dul muuqdo magaalada, waxaana dhagax dhigga masaajiddii ugu horreeyay ee taariikhda ku xusan la billaabay waqti fog oo tusaale ahaan aan u soo qaadan karno dhismayaal ay ka mid yihiin:- Masjidka Fakhru-diin oo dhismihiisa la unkay qarnigii 13aad, sidoo kale waxaa iyaguna uu xilligaa dhismahoodu ku beegnaa masjidka Jaamacadda iyo sida aan horay u soo sheegayba masjidka C/casiis oo minaaraddiisu ay weli taagan tahay.

Click on image to enlarge

La soco qeybo kale.

Posted on December 1, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: