Somali Intellectuals Hoggaamini waa maxay?

imageSomali Intellectuals Without Borders – Hoggaamini waa maxay?. Khubarada erey bixintu, waxay ku soo uruuriyaan ereygan, awood u yeelashada dhaqaajinta koox dada, si loo gaaro danta caamka ah. Marka si kale loo dhigana, hoggaamiye, waa niyad-geliye iyo agaassime wax falgeliya. Waa qof dadka ka mida oo kulansaday dabeecad iyo farsamo hoggaamineed oo kuwa kale jecleysiisa inay dhinaciisa ku biiraan. Qofka kor u qaada argtida dadka meel fogna u bidhaamiya. 

Su’aashu waxay noqoneysaa, qoormaa loo baahdaa hogaamin facaala oo kulansatay cunsurrada aan kor ku tilmaamay iyo qaar aan ka tegayba? Khubarada cilmiga siyaasaddu, waxay leeyihiin, waa marka ay soo muuqdaan calaamadaha hoggaamin aan shaqeyn (Dysfuntional leadership symptoms and waring signs). Calaamadahaas waxa loogu horreysiiyaa:

• Awoodda oo gacanta hoggaaminta ku uruurta, diidana wax khilaafsan afkaartiisa, kalsooni-darro iyo is-la weyni awgood.
• Hantida ka soo xaroota ilaha dhaqaale oo si nidaamka aan waafaqsaneyn loo maamulo
• Maamul is-dhexyaal oo kala dambeynta iyo xisaabtan ku yar yahiin, keenana xiriirka wada shaqeyneed oo yaraada iyo wax qabad la’aan
• Laamaha dowliga ah oo kala daata, tartan iyo dagaal daaqsimeed joogta ahina ka oogmo, keenana in wax is-dhaafintu badato, hanti badanina qaranka kaga lunto
• Wada shaqeynta oo lunta, qof walibana siduu doono u adeegto, arrinkuna ku soo uruuro “ aniga maxaa iigu jira oo aan ka helayaa”
• Shiddo aan dhamaan oo dagaal iyo is-qabqabsi uun waqtigu ku idlaado, halkii qorshe wax soo saar loo dejin lahaa qaranka
• Shirar aan dhamaan iyo hadal tiro beelay oo ay ka oogmaan doodo is-qabqabsi u badan iyo luqad anshaxa ka fog oo middi middi ku taaga.

Calaamadahan iyo qaar kale oo badan marka ay soo caddaadan oo qarsoomi waayaan, ayey inta qalbigoodu qoyan yahay dareemaan in la joogo waqtigii is-beddel siyaasadeed iyo nooc cusub oo hoggaamineed la yagleeli lahaa. Sida uu qabo Prof. M.S. Rao-na, Qarnigan 21aad, waxa uu u yeerayaa ama u baahan yahay hoggaamiyeyaal facaala ee uma baahna madax magac u yaal oo aan meesha ka tegin waxna ka qaban. Waxay tebeysaa hoggaamiyeyaal farsamo maamuleed le.

Hoggaamiye dhowr koofiyadood ku lebisan kara oo kolba sida xaaladdu u soo wajahdo uga go’aan qaadan kara. Waa inuu mehrin karaa waxa fiican, iskana tuuri karaa waxa xun. Maanta waxa baahi loo qabaa, dadkuna qaddarinayaan hoggaamiye le, awood shaqsiyadeed, maaha awood mansabeed.

Hoggaamiyaha Qarnigan, waa in laga helo dabeecad, ballanqaad fula, naxariista oo xiriirin le, hab-dhaqan adeegnimo iyo ku dayasho fiican le, qalqaalin og, garasho dhaqsiya leh oo arrimaha murgsan iyo kuwa dabacsan isku si, u falkin kara, aragti dheer le, dhexgalkiisuna badan yahay, kuna darsaday maskax si caalami ah u qaabeysan, firfircoon, haddana xamaasad badan, diyaar u ah inuu khatarta wajaho, maqsuud ka noqda waxa is-shaabaha, diida waxa aan is-qaadan, shucuur wadaagis le, dhanka fiican wax ka eega, haddana isku kalsoon oo aan maro-ku dheg aheyn, la falgeli kara mushiladaha waqtiga is-beddelkiisa iyo farsamada casriga ah, u soo barbaarin kara qaar kale hoggaaminta, dareen badan u le waddaniyadda iyo inuu beddelo nolosho dadka uu hoggaaminayo.

Su’aal kale, waxay noqoneysaa hoggaanka maanta ee Somaaliya, ma lagu sifeyn karaa hoggaan gabay mas’uuliyaddiisii, hoggaamiyaha aan kor ku sifeeyeyse, baahi ma u qabnaa?. Waxa biyo kama dhibcaana, in hoggaaminta maantu ay fashil tahay, sidey biyo kama dhibcaan u tahay, inaan u baahannahay hoggaamiye astaamaha aan kor ku xusan le.
Hoggaamiyaha astaamaha kore le ee Somaaliyeed ee rajada ka le hoggaaminta dhow ee dalka, waa in halbowlaha dhiigga ku shuba wadnahiisu, ahaado midnimada Somaaliyeed, noqdana shaqsi noqon kara buundadii lagu gaari lahaa midnimadaa, xiriirkaasna uu durba hore u galay oo bar bilowgeedii uu hayo.
Maqaal hore oo aan ku qoray warbaahinta bilihii na dhaafy, cunwaankiisuna ahaa “ labada sidan ma u daweynaa”, waxan uga talo bixiyey, in siyaasiyiinta koofur Somaaliya ay qaataan go’aankii geessinimo ee walaalaha waqooyi qaateen sannadkii lixdankii, madaxtooyadana geeyaan Hargeysa, si is-mari-waaga koofureed meesha uga baxo. Waa is-leeyahay in la heli karo siyaasiyiin koofureed oo go’aankaa qaadan karta, marka laga reebo kuwa hadda saaxada ku jira oo aan aad u saluugsanahay, qormadanna kaga talo dhiibanayo, inayan waqti dambe ummadda ka sii lumin.

Waxa kale oo feker baahay ah oo dadka Somaaliyeed boqolkiiba in badan oo ka mid ahi ay qabaan, in la joogo waqtigii loo fekeri lahaa in madaxweynaha mustaqabalka dhow, codka lagu siiyo sida uu u maareyn karo mushkiladda midnimada oo runtii haddii la daweeyo xal u noqon karta mushkiladdan na sal dhigatay. Golaha shacabka ee nasiibka u hela, inay doortaan madaxweynaha mustaqbalka dhow, waa inay gartaan in dalka mushkilada heysataa dawadeedu tahay, ta midnimada, codkoodana meeshaa dhigaan.

Qolada kale, ee xilka mugga lihi ka saaran yahay arrinkan, waa cuqaasha iyo madax dhaqameedyada Somaaliyeed meel kasta oy joogaan, doorka uga aaddan inay ka qaataanna muhiim ay tahay. Sidoo kale siyaasiga kurigaa daneynaya, ee xisbiga ama ururka u sameystay, waxan ku boorinayaa inuu/inay dallad mida isugu tagaan, fekerkaasna ku midoobaan. Alle, waxan ka baryayaa inuu naga dulqaado dhibaatada, midnimadiina noo soo celiyo.

Posted on December 3, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: