Waa Maxay Dhibaatooyinka Lala Kulmi Karo Marka Laga Haajiro Wadankaaga Hooyo.

Sida aan ka warqabno waxa aan soo marnay xaalado aad u cakiran tan iyo markii ay bur burtay Dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre, allaha u naxariistee, burburkii dowladda kadib waxaa ay dadka Soomaaliyeed galeen xaalad jahwareer aad u cakiran isla markaana dadka Soomaaliyeed ku waayeen naf iyo maal intaba. Xaqdgudubyada dhacay haddii aan wax ka taabto waxaa ka mid ah: Kufsi lagula kacay gabdhaha Soomaaliyeed, dhac loo geystay walaalaha Soomaaliyeed, Dil bilaa micno ah oo

la isku tijaabiyo xabada, Afduub soo qabo waa looma ooyaan, iyo cuqubado badan oo wadankeena ka dhacay, Xasuuqyo aan loo meel dayin, dad rayid ahna ay ku nafwaayeen, Culumaa’udiin, Aqoonyahano, Arday iyo Waxgarad intana si sharci darro lagu laayay, kadib ayaa waxaa dhacday dadka Soomaaliyeed in ay isaga haajiraan wadankooda hooyo una cararaan wadan shisheeye! Waxaan maqli jiray dadka Soomaaliyeed beeni waa ay sheegtaa balse beeni kuma maahmaahdo, haddii aan soo qaato maah maah ama oraah Soomaaliyeed oo dhaheysa: – Dhul aan dhulkaaga aheyn waa dareen ku joog ama (Dal aan dalkaaga aheyn waa dareen ku joog) balse ay dantu keentay in loo soo cararo Dal aan Dalkeena aheyn isla markaana aan waqtigeena iyo nolosheena siina, waxaa dhacday in la isaga cararo hantidii lama guuraanka aheyd, dhulkii, guryihii, beerihii iyo eheladii, loona cararay wadamada shisheeye si loo helo nolol dhaanta tan Dalkeena ka jirta. Inta aan u guda galin qaababka ay dadka Soomaaliyeed uga soo baxeen wadankeena Soomaaliya, waxaan rabaa in aan iftiiniyo, isla markaana cadeeyo dadka ugu badan oo wadanka maalinba maalinta ka dambeeya siyaabo kala duwan uga soo baxaya, isla markaana aanba niyad iyo qalbi toona u heyn in ay dhulkooda hooyo joogaan, laga yaabase in wadanka uu hagaago, balse niyadooda kuma jirto in uu dalka hagaagi karo, mustaqbalna yeelan karo, sidaasi darteed waxa ay doorbideen oo ay go’aan sadeen in ay isaga baxaan isla markaana qabtaan qurbaha. Dadkan aan rabo in aan si gaar ah u abaaro waa ubaxii wadanka, waa difaacii dalka waa barbaartii Soomaaliyeed, waa dhalinyaradii Soomaaliyeed oo soo mara, dhul cir, iyo bad intaba, kuna la’da maalin walba xeebaha Mediterraneo-ga, Saxaraha iyo badaha. Maanta sida muuqata dhalinyarada Soomaaliyeed wax rajo ah kama lahan, wadanka sidaasi ayaana keeneysa in ay isaga cararaan wadanka isla markaana ay tahrib galaan naftoodana haliga si ay u helaan nolosha wadankeena mid dhaanta, balse ma runbaa in la helayo nolosha laga filanayo europe, mise Telefishinada ayaan runta soo gudbin? Waayo dadku waxa ay arkaan Telefeshinada xayaysiinada, ciyaaryahana iyo aflaanta oo laga soo bandhigo qeybo la sameeyay oo aanan ka turjumeen nolosha dhabta ah oo ay ku nool yihiin dadka europe jooga haddii ay noqon lahaayeen kuwa u dhashay europe iyo haddii ay noqon lahaayeen ajaanibka europe martigalni weydiistay. Sidee ayay ku imaadaan dadka europe, dadka qaar ayaa ah kuwo reerahooda xoolo Alle siiyay isla markaana leen gadan kara, wallow maanta uusan fududeen leen la gato ama passport la isku soo qaado, halka qaarna buufis iyo bixitaan dartiisa ay eheladooda wixii xil iyo xoolo ka heystaan ku kalifaya in ay ka xaraashaan si ay europe maalin un u yimaadaan, arrinkaani waa arrin aad u cajiib ah isla markaana haddii aad u dhaba gasho xaqiiqdana ogaato kugu abuureysa fikir maalin iyo habeenba leh, taasoo ah qofka Soomaaliyeed ee dhalinyaraha mustaqbalna gaari kara inta Alle siiyay, haddi uu qarash ku bixinaya luminta sumcadiisa iyo sharafkiisa soo maahan arrin yaab leh? Markii uu qarashka ka baxo nasiibkuna saamaxo oo uu europe imaado qofkaasi muxuu la kulmayaa? Wadanka uu doonaba europe haka joogee, arrinka ugu horeyso oo uu qofka ka fikiraya ayaa ah: Sidee ku heshaa gurri? Sidee ku barataa luqada? Maxaad sameyn doontaa haddii aad sharci hesho? Shaqo nuucee sheegan doontaa? Mustaqbalkaaga sidee ayuu noqon doonaa? Ma heli doontaa nolol wanaagsan? Masoo celin kartaa qarashkii reerkaaga kugu bixiyay? Intaasi iyo in badan oo imaan kara mustaqbalka dambe xitaa haddii uu Alle caruur ku siiyo fikir iyo sidii aad ka yeeli laheyd oo dhan ayaa kuu imaanaya isla markaana jawaab aanan loo heyn. Dhalinta qaarkood ayaaba marka ay yimaadaan wadamadan europe iska gala noloshada wadanka isla markaana ilooba familkiisa iyo dadkiisa, asigoo raacaya dhalinyaro ajaanib ah isla markaana aan wax ixtiraam iyo sharaf u heyn waalidkooda, qofka Soomaaliyeed ee dhalinyaraha ah isla markaana saaxiib ka dhigta groupkaasi asigana si tartiib tartiib ah ayuu uga mid noqonayaa, waxaa kale oo jirta isla markaana daraasad lagu sameeyay in dhalinyarada qaarkood ee aan fikirin isla markaana raaca groupkaani caasiyiinta ah ka baxaan diinta islaamka isla markaana noqda ateo nuuca loo yaqaano oo aanan heysan wax diin ah, arrinkaani oo mucjiso ah ayaa waxaa jirta in dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa Afghanistanka ka fikirin mustaqbalka dambe iyo meesha uu ka yimaaday isla markaana dareemaya xurnimo sameynayana waxa uu doono, taasina waa dhibaatada aan niyada ku haayay oo aan ula jeeday qof ama nin dhalinyaro ah qarash ku bixinaya sidii uu europe ku imaan lahaa mustaqbalkiisa iyo sharafkiisana badalaya asigoo lacag kusii bixinaya. Aqoonyahanadii wadanka wax u qaban lahaa, nolosha iyo aqoontana kor u qaadi lahaa, haddii ay helaan passport iib ah ama leen diplomasi ah horay ayay ka gadanayaan si ay europe u yimaadaan, balse qarashna waa uu ka baxaa noloshoodana masoo laabato oo waxa ay dagaan wadanka ay imaanayaan, nolol cusub ayay galaan, balse ma wadaan tacliintii iyo aqoontii wadankooda ka wadeen, haddii uu ahaa Professor ama Dottore qof u fiirinaya ama ixtiraamaya inta badan ma jira inleen lama yaqaano, oo shahaadada wadankiisa lama yaqaano dantuna waxa ay ku kalifeysaa in uu dadaal hor leh galo sanado courses qaadanaya ku biira si uu luqada isaga dhiso kadibna uu profishinkiisa raadsada haddi ayba macquul tahay. Halka kuwa qaarna aanba isku mashquulin isla markaana niyadooda ka saara in ay howliii wadan kooda ka qaban jireen ka qabtaan, ugu dambeyntiina waxa ay danta ku kalifeysaa in ay ceer galaan isla markaana ay isku dhiibaan da’ aad u weyn oo aanan aheyn da’dooda rasmiga ah balse dadku kama fikiraan haddii ay maalin xanuunsadaan daawooyinka la siin doono ma waxa ay noqon doonaan kuwo ka tan weyn mise dawooyin ka tan yar, inleen da’da qofka uu jiro ma sheeganee. Dhibaatooyinkaasi oo dhan iyo kuwo kale oo badan ayay dadka Soomaaliyeed ama qurba joogto la kulmaan, waxaa kale oo lama iloobaan ah isla markaana in la xuso u baahan meeqo maamo ama hooyooyin ayaa maskaxdii beelay caruurtoodana laga qaatay, mas’uuliyad darro reerka gudahiisa ka imaaday darteeda? Imise caruur ayaa iyagoo waalidiin leh Aabahooda iyo Hooyooyinkooda nool joogana magacyadii laga badalay isla markaana lagu tilmamaay caruur aan reer iyo faracba laheyn? .…………….

Posted on December 6, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: