Gabdhaha Xulka Qaranka Kubadda Koloyga Soomaaliya oo ku dur-duriyay gabdhaha dalka Qadar (Daawo Sawirrada)

QADAR9.jpg

Isniin, December 12, 2011 – Nairobi, Kenya – Xulka qaranka gabdhaha Kubadda Koloyega Soomaaliya ayaa galabta guuldarro ballaaran dhabarka u saaray gabadhaha dalka Qadar, kaddib markii ay uga adkaadeen 67 dhibcood, halka gabadhaha Qadar oo ay la yimaadeen 57 dhibcood, waxaana ciyaaraha ay tirsan yihiin Olombikada dalalka Carabta.

Guusha ballaaran oo gabdhaheenu soo hooyeen ayaa waxaa qeyb weyn k a qaadatay gabadha kubadda u qeybisa gabdhaha SOomaaliyeed ee Maryan Xuseen oo 23 dhibcood shabaqa ku hubsatay, waxaana loo aqoonsaday gabadhii ugu wanaagsaneyd ciyaartii manta. Sidoo  kale gabdhaha Manal Ali UK oo dhalisay 16 dhibcood, Qamar Cali DHeere oo dhalisay 12, KHadra Mahdi oo soo hoysay 10-dhibcood iyo KHadija Xayir oo 6 dhibcood dhalisay ayaa si wanaagsan garoonka uga dhex muuqaday.

Ciyaarahan oo ka tirsan All Arab Games oo todobaadkii hore ka furmay magaaladda DOxa ee dalka Qadar ayaa gabadhaheena waxaa toodbaadkii hore guuldarro ay kala kulmeen gabdhahah dalka Masar oo 84-36 uga soo adkaaday, laakiin waxay galabta ku ciil baxeen gabdhaha martida looyahay ee Qadar.

Ciyaarta Xigta waxay gabdhaheenu la ciyaari doonaan dalka Lubnaan maalinta Khamiista ah, waxaana hari doona laba kulan oo ay kaga hortagi doonaan gabdhaha Kuwait iyo Jordan. Taageeyaasha gabdhaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay u rajeynayaan guul taariikhi ah.

QADAR2.jpg

Gabdhaha Soomaaliya ayaa galabya ka gacan sareeyay dhigooda Qadar, iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay  Somalia 29, Qadar 25.

“Alla maxay maalintani wanaagsan tahay, manta dad badan oo Soomaaliyeed ayaa soo xasuusan doona bari samaadkii, gabdhaha xulka Soomaaliya waxay ka farxiyeen Ummaada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxay u ciyaareen si wadaninimo iyo qiiro leh” ayuu darbiga facebookgiisa ku soo qoray guddoomiye ku xigenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Durraan Faarax oo garoonka fadhiyay.

Taageerayaasha Xulka Soomaaliya ayaa galabta aad u soo buux dhaafiyay garoonka Khalifa International Stadium oo ciyaartu galabta ka dhacday, iyagoo farxad iyo baashaal la hoyaaday, waana taageerayaashii ugu farxadda badnaa tan iyo sanadkii 2009 oo xulka Qaranka K/cagta Soomaaliya uu 1-0 uga adkaaday xulka Tanzania, ciyaar ka tirsaneyd bariga iyo bartamaha Africa oo ka dhacday dalka Uganda.QADAR4.jpgQADAR3.jpgQADAR5.jpgQADAR6.jpgQADAR7.jpgQADAR8.jpgQADAR.jpgQADAR10.jpgQADAR11.jpg

About these ads

Posted on December 12, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: