Q.2aad – Dib u milicsiga magaalada Muqdisho. 1286 – 2011.

 

Muqdisho, waxey si wacan u soo dhoweysay oo ay marti soor wanaagsan u sameysay bad mareenno fara badan oo xeebaheeda soo booqday, kuwaasi oo si weyn u amaanay sharafka karaamada iyo milgaha hab maamuuska leh ee ay soomaalidu laheyd, waxaana wufuuddaasi laga xusi karaa bad mareenkii caanka ahaa ee sida weyn ugu qancay marti gelinta Muqdisho ee la oran jiray ( Ibnu Batuuta ), kaasi oo ay asal ahaan dhalashadiisu ka soo jeeddo dalka marooko.

Magaalada Muqdisho, waxey aheyd magaalo nidaam iyo xeer leh oo u dhaqmeysay  qaab dowladeed deggan oo nabad iyo kala danbeyn laheyd, waxaana soo xukumayay oo hoggaamadaasi gar wadeen ka soo ahaa, Boqorro, imaamyo, suldaanno, wabarro, malaaqyo iyo ugaasyo, dhamaantoodba ahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo talada isku soo beddelayay, sidaa darteed ajnabi socota ah un baa soo kor degay mooyee, Muqdisho weligeedba waxey aheyd magaalo Soomaaliyeed oo taasi asal ahaan muran kama taagna.

Qarnigii 14aad–17aad, magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah geeska afrikaba, waxaa ka soo talinayay boqortooyadii Ajuuraan oo mandiqadda bariga afrika awood ballaaran ku laheyd, xiriirna caalami ahna uu kala dhaxeeyay dadyowgii reer ruum iyo faaris iyo weliba dowladaha carbeed oo uu ganacsi gooda joogto ku ahaa xeebaha banaadir gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sidaasi si la mid ah, hoggaannada muqdisho ka soo taliyay ee ay taariikhdu sida weyn u xuseyso, waxaa ka mid ahaa ( Yaqub Sultanate ) Abgaal oo uu hormuud u ahaa imam cumar hilowle iyo saldanaddii biyamaal oo soo gaartay xeebaha muqdisho, kuwaa oo dhammaantoodba ka sinnaa dhinaca waddaniyadda, sidaa darteed gumeysigii uu damacu keenay, wuxuu kala kulmay iska caabbin xoog leh iyo diidmo waddaniyadeed.

Taariikh ahaan (1807 ) wixii ka danbeeyay maamulladii Soomaaliyeed ee muqdisho ka jiray, waxaa gacantooda ka baxay awooddii ay magaalada ku lahaayeen, waxeyna si xoog iyo xeelad ahba taladii magaalada ay ugu gacan gashay, Saciid Barqash oo ahaa suldaankii ( Zanzibar ) oo ay asal ahaan dhalashadiisu aheyd carab khaliiji Cumaani ah. Saciid Barqash, wuxuu kaalmo weydiistay oo uu gaashaan buur ka soo dhigtay ciidamo ingiriis ah oo ay isku fahmeen habka u kala dullaalidda gurracan iyo isku xirka dheef wadaagga gumeysiga .

Muddo aan yareyn ka dib, waxey hoggaankii muqdisho mar kale ku ku wareegtay gacanta gumeystihii Talyaaniga oo soo dul fariistay muqdisho oo dhisan dadkeediina uu dibadda uga yaacay, ka dib markii ay cadaadis kulul kala kulmeen kooytadii soo galootiga aheyd ee sida naxariis darrada aheyd u la dhaqmeysay.

Gumeystihii talyaaniga ahaa si qaab daran  ayuu Soomaalidii berigaasi joogtay u la dhaqmay, guriga looga talinayay oo ilaa iyo hadda duqa magaalada uu fariisto horayna loo oran jiray guriga dowladda ama ( Officio governo ) waa daartaasi cad ee kaa soo hor jeedda, waana halkii ay ka soo baxayeen amarradii dibin daabyada iyo yasmada huwanaa ee lagu bah dilayay shacabka Soomaaliyeed.

Talyaanigu ku ma ledin kumana uusan raaxeysan joogitaanka magaalada muqdisho, wuxuuna ku noolaa cabsi iyo welwel aan dhammaan, waayo waxaa mar walba hortiisa ka muuqday waranka waddaniga soomaaliyeed oo runtii diiddanaa inuu muqdisho maamulo gaal cad oo macatab xiran iyo guud ahaanba ruux shisheeya ah oo aan Soomaali aheyn.

Gumeystuhu wuxuu cabsi aad u xoog leh ka qaaday dhallinyaradii warmooleyda aheyd ee inta ay awrta isla sugayaan ee ay ka sii carraabyaan jarta amaba shaxda ku wada cayaari jirtay (Piazza indepedence) barxadda xorriyadda oo ku taallay inta u dhaxeysa ceelgaab iyo shineema Afrika oo aheyd halka ay ku xadreyn jireen wadaaddadii suufiyada ahaa.

Dareenkii cabsida huwanaa ee gumeystaha talyaaniga maalinba maalinta ka danbeysa ku soo kordhayay awgeed, wuxuu amray inaan magaalada gudaheeda la dhex socon karin laguna arki karin qof soomaali ah laga billaabo 5ta galabnimo, haddii la arkana waxaa ciidanka amar lagu siiyay in la soo xiro qofkaasi amar diidka ah ee qaadan waayay amarka dowladda.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed ee muqdisho ku noolaa, markii ay dhagehooda maqleen amrkaasi qaabka daran maxey sameeyeen?, waxey billaabeen is abaabulid ku baahay gobolka banaadir oo xilligaa ka koobnaa muqdisho iyo labada shabeelle, waxaa soo if baxay geesiyaal xabadka u dhigtay rasaasta cadowga si ay dadkooda dulliga uga dulqaadaan ugu danbeystiina yar iyo weyn wiil iyo waalidba warmaha ayaa la wada afeystay, si looga hor tago dalkana looga saaro gumeysiga tacaddiyada ka wada muqdisho iyo meelo kalaba.

Abaabulkii gumeysi la dirirka muqdisho, waxaa iskaashi ka sameeyay oo isku fikir darsaday xamardaye iyo labada shabeelle Marka iyo Jowhar, markaa ka dibna, waxaa la helay cudud ballaaran oo ka hor tagi karta gumeysigii kibirka iyo awoodda is biday, waxaana gumeysiga lagu qasbay inuu soo dhaafi waayo xamar weyne iyo shangaanni.

Geesiyaal aan tiro koob laheyn baa u soo geeriyooday la dagaallankii talyaaniga gaar ahaan xeebaha banaadir iyo Muqdisho, ragga soo halgamay ee gaalkii caddaa sida bareerka aheyd uga hor tagay wey fara badanaayeen, laakin waxaan qoraalkani ku xuseynaa alla ha u naxariistee wadaadkii geesiga ahaa ee la oran jiray ( Sheekh Xasan Barsame ). Sheekh Xasan goobo aan yareyn buu talyaanigii uga hor tagay khasaare fara badanna wuu gaar siiyay, laakinse nasiib darro ugu danbeystii wuxuu u gacan galay cadowgiisii oo xarig dheer ku xukumay aakhiritaan kiina sun ku dilay. Sheekh Xasan Barsame, sida dad xog ogaal ihi sheegeen, waxaa lagu aasay qubuuraha Sheekh Suufi ee ( Theatre ) ka dhabar kiisa danbe ku yaal dhinaca madaxtooyada, qaar kalana waxey leeyihiin sheekha meydkiisa waxaa loo qaaday oo lagu aasay jiliyaale oo aheyd halkii uu mowlaca ku lahaa.

Qeybta kowaad Hakaan ka Akhri  (Q.1aad) multiethnicsociety. 

La soco qeybaha danbe.

Posted on December 13, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: