Daawo Ciyaartii Gabdhaha Qaranka Soomaaliyeed ay ka badiyeenGabdhaha Qadar(Video)

QADAR3.jpg

Doha( SCTU) Ciyaaraha Carbeed (Arab Games) ee ka socda Dalka Qadar ayaa waxaa Soomaaliya matalaya Gabdhaha Qaranka ee basketball-ka, Gabdhaha Qaranka Soomaaliyeed oo xiran dharkii astaanta u ahayd Soomaaliya ayaa Garoonka Wayn ee Magaalada Doha soo galay.

Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa wacdaro ka dhigay Doxa ka dib markii ay si xarago leh uga badiyeen Gabdhihii martida loo ahaa ee Qaranka Qadar.

Waxaa halmar garoonka istaagay oo u sacabiyay gabdhaha Soomaaliyeed Daawadayaashii oo u bogay Ciyaar wanaaga Soomaaliya. Hoos ka daawo Video-ga Ciyaarta

Xulka Gabdhaha Koleyga Lubnaan Oo Ka Adkaaday Xulka Somaliya SAWIRO

Doha –  Gabdhaha Kubadda Koleyga  Soomaaliya ayaa Galabta la ciyaaray Gabdhaha dalka Lubnaan  iyadoo Ciyaartaasina  aay guldaro weyn la kulmeen xulka Somaliyeed, Xulka Lubnaan ayaa dhaliyey 87 gool halka xulka Somaliyana dhaliyeen 38.

Ciyaarta Galabta dhex martay Ciyaartoyda Gabdhaha Kubadda Kolegya Soomaaliya iyo Gabdhaba dalka Lubnaan ayaa ahayd mid xiiso badan, waxayna Ciyaarta ku billaabatay dar dar Xooggan weerar iyo werar celin inkastoo markii dambe loo awood sheegtay xulka Somaliya.

Gabdhaha Kubadda Koleyga  Soomaaliya ayaa garoonka la soo galay fir fircooni, iyagoo muujiyay dadaal ballaaran, taasi oo ay la wada riyaaqeen dhammaam dadka Soomaaliyeed ee Ciyaartaasi daawanayay, waxaase lagu dilay khibrad.

Gabdhaha Somaliya ayaa muujiyey dadaal iyo karti dheeraad ah iyagoona suurto geliyey inay ka cayaaraan ciyaaraha Carabta ee xiligan ka socda wadanka Qatar, Somaliya oo aan ahyn meel si sahlan dad Sport sheegtaa aay ka yimaadaan ayaa hadan hadaad gabar tahay aay sii adagtahay, saasooy yahyna gabdhaha Somaliyeed waxay mudo gaaban ku guuleysteen in la arko kartidooda iyo dadaalkooda.

Gabdhaha Soomaaliya ayaa Ciyaartii hore guul ka soo gaaray kullan xiisa badan oo ay la Ciyaareen dalka marti galinayo Tartanka Kubadda Koleyga ee wadamada Carabta ee Qatar, oo ay ku garaaceen illaa 67 Jeesto, halka Gabdhaha dalka Qatar ay la yimaadeen 57 Jeesto.

Gabdhaha Xulka Qaranka dalkeena ayaa waxaa u harsan Saddex Ciyaarood oo ay laba ka mid ah la Ciyaari doonaan dalalka Jordan iyo Tunisia, waxaana la rajeynayaa in Ciyaarahaasi ay ka gaari doonaan guullo wax ku owl ah.

Posted on December 15, 2011, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: