Qeybta 3aad – Dib u milicsiga magaalada Muqdisho. 1286 – 2011.

Dib u milicsiga magaalada Muqdisho.

1286 – 2011.

Q-3aad:- Marka aynu sooyaal ahaan dib uga  sheekeyneyno sooyaalka il milicsiga dhacdooyinkii  taariikheed ee xadaaradda muqdisho, waxaad dareemeysaa iney magaaladu waayeheedii wanaagsanaa horay ugu soo dalxiistay xumaheediina ay gadaal soo marsatay.

Xilli baa jiray muqdisho hareeraheeda uu mari jiray xadiidka waddada tareennada kaas oo ka soo bilaaban jiray magaala jowhar soona gaari jiray muqdisho ilaa waddada dheer ee Afgooye.

Daafaha magaalada muqdisho waqtigaasi waxey ahaayeen oo duur aheyd suuq bacaad , siinaay, suuqa bakaaraha ilaa iyo waddada dheer ee afgooye sii aadda magaaladuna xilligaasi waxey aheyd in yar oo kooban.

Halkan hoose dadka kaaga muuqda ee daaqadaha ka soo jeed jeeda, waxey saaran yihiin tareen muqdisho ka dhaqaaqay oo jowhar ku sii jeeda, waxaase laga yaabaa akhristow ineysan taasi adiga maanta kaa dhaadhaceynin, amaba aadan aqbaleynin!, weyse dhacday ee ogsoonow inuu dalkaagu waddo tareen lahaan jiray, iminkana lagaaga baahan yahay inaad ku fekerto sidii uu mid casri ah u yeelan lahaa!!!.

Ninkani waa ( luigi Amedeo ) oo ah sarkaalkii talyaaniga ahaa ee soo sahmiyay dhul beereedka labada shabeelle, isla markaana abuuray waddada xadiidka ah ee tareen mareenka ah taasoo uu ugu tala galay iney xamuulka qasabka beeraha gaar siiyaan warshadda sokorta S.N.A.I oo sameynta qorshaheeda markaasi un la sii diyaarinayay.

Sameynta xadiidka tareenka, wuxuu ahaa qorshe horumarineed oo aad u wanaagsanaa, laakin gumeystihii talyaaniga ahaa oo qaab shuftanimo ah u dhaqmayay, wuxuu waddadii xadiidka aheyd u raray oo uu ka iibsaday mid ka mid ah dalalka aynu deriska nahay, wuxuuna qeyb yar oo xadiid ah oo beeraha qasabka lagaga soo raro uga tagay magaalada jowhar kaas oo uu weli raadkiisa ka sii muuqdo bartanka magaalada jowhar, siiba dhinaca waddadii ka iman jirtay aseendooyinka dhul beereedka qasabka.

Magaalad muqdisho markii ugu horreysay bey heshay boliis soomaaliyeed oo sugidda amaanka caasimadda u guntaday, isla markaana shisheeyihii caddaa kala wareegay howl qabadkii boliiska ee ay ku faraxsanaayeen shacabka soomaali yeed.

Boliisku waxey ku shaqeynayeen si naf hurnima ah waxeyna ciidan ahaan kala ahaayeen kuwo lugeynaya iyo kuwo farda saaran oo habeen iyo maalinba howsha isku beddelayay, maxaa yeelay waqtigaasi baabuur ma aysan heysan, wuxuuna ciidanka amaba booliiska aan idiin sheegayo uu muuqaal koodu ahaa sida ay kuu muujinayaan sawirrada kaa hor muuqda.

Muqdisho bilicdeedu, waxey ku koobneyd Xamarweyne, shangaanni, iyo qeyb ka mid aheyd degmada xamar jajab, waxaana ku hareereysnaa Boondheere iyo W/dhiigley oo uu dhismahoodu cusbaa.

Muqdisho waxey markii ugu horreysay yeelatay dekad caalami ah, taasoo laga unkay xeebta (socondo lido) jir jirka xaafadda C/casiis minaaradda masjidka C/casiis dhinaceeda xeebta xigta, sidoo kale waxey yeelatay  garoon diyaaradeed oo isaguna laga hirgeliyay xaafadda xamar jajab kaas oo lagu magacaabi jiray ( Afassioni ).

Waddooyinka magaaladu waxey ahaayeen laami cusub oo qurux badan habeenkii saqda dhexe ayaana la meyri jiray amaba la dhaqi jiray  nadaafadduna aad iyo aad ayey u sarreysay, waxaana meel walba laga heli jiray biya qabow oo ay dadku cabbaan iyo musqulo ay dadku isticmaalaan oo intuba lacag la’aan wada ahaa!!.

Waa suura gal inaad sheekadani rumeysan weydo, waase xaqiiq dhab ah iyo ilbaxnimo mar hore soo martay caasimaddaada, taas oo iminka muqdisho laga la’yahay dunida horumarka iyo aqoonta wada tiigsaney iney baal ka sii raacdo oo ay horay u la sii jaan qaaddo, taa beddelkeedana waxey ku waa bariisataa dhiig iyo xin jiro!!!.

Shineema Italia oo markii xorriyadda la helay ka dib loo bixiyay shineemo xamar, waxaa geli jiray oo kaliya gaaladii talyaaniga aheyd iyo ajaanibtii kale ee dalka ku sugneyd gaar ahaan intoodii caddaanka aheyd.

Waddada shineemada hor marta ilaa iyo saldhigga afar irdood mamnuuc bey aheyd inuu qof madow soo hor maro shanta galabnimo wixii ka danbeeya.

Waxaa isku dhinac socday horumarka dhinaca dhismaha ah ee ay magaaladu sameyneysay iyo madab takoorka ka dhex jiray, taasoo ay soomaalidu ka wada dhiidhisay gumeysigiina ku qasabtay inuu har cad isaga huleelo geyiga soomaaliyeed, maxaa yeelay waddaniga soomaaliyeed ayaa diiday inuu cad quureed ku noolaado, wuxuuna taasi ka xigsaday xarrago ama geeri gobannimo. Ugu danbeystiina waxey shineemadu u soo gacan gashay shacabkii lahaa oo markoodii horaba ay gacan cadowtooyo ka hor taagneyd, taasoo aan axsaan ku imaanin ee dhiigga geesiga ku timid.

Qeybta 1aad 

Qeybta 2aad

La soco qeybo kale.

Posted on January 21, 2012, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: