Shuruudaha Professor Lagu Noqon Karo

Muqdisho (Moment Media Group)– Darajadda Professor waa darajadda ugu saraysa ee qof cilmi baadhe ahi gaadho marka uu wax ka barayo Jaamacadaha iyo kuuliyadaha culuumta takhasuska ah lagu barto waxaana akaadamiyiinta caalamiga ah ee gooya darajada dhinaca waxbarashada (Academic Grading) ay isku raaceen in noqoshada ama helitaanka darajada Professor loo maro Afar darajo oo ah waxbarashada akaadamiyadda kolba aad dooratay iyo afar jaran jaro oo kale oo ay tahay inaad ku gaadho takhasus si aad ugu danbayntii u hanan karto darajaddani Professor.

Haddaba waxaanu halkani akhristayaal idiinku sharixi doona yaa noqon kara Professor?

Maxaa Lagaga Baahanyahay inaad Professor Noqoto?

Haddaba waxaynu ku horaynayna marka hore Darajadani Professor Sidee loo Gaadha

Dabcan nolosha akaadamiga waxbarasho waxay ka bilaabanta markaad gasho Jaamacadda waxaana badiba la qaata maado aad door bidayso (Your choosen subject) , darajada koobaad ee laga gaadho aqoonta jaamacadeed waxaa loo yaqaano Bachelor Degree oo afka soomaaliga ku noqonaysa (Darajadii Bilawga) oo loola jeedo bilawgii Akaadamiyadda badiba mansabkani waxaa lagu barta aqoonta maadada gaarka ah ee aad baranayso oo baahsan (scattered knowledge about  your field), darajadani waxaa la barta maadooyin kala duwan oo qaarkoodna si gaar ah ugu tacaluqaan takhasuskaad doonayso (Specific Profession) qaarkoodna ay yahiin qaar aad doonayso inaad fekrad ka hesho oo la xidhiidha maadada aad ku takhasusayso oo loo yaqaano (Minor subjects).

Darajada labaad ee Akaadamiyadda aqoonta heerka Jaamacadeed waxaa loo yaqaana Masters Degree ama afka soomaaliga ku noqonaysa (Darajaddii barista) darajadani badiba waxaa lagu qaata aqoonta la xidhiidha maadada gaarka aad u dooratay ee aad doonayso inaad ku takhasusto badibana maadooyinka Master Degree waxay aad ugu koobanyahiin takhasuskaaga marka loo eego darajadii koobaad ee Bachelor Degree wallow laga yaabe inaad barato maadooyin aan toos ula  xidhiidhin isla takhasuskaaga.

Darajada seddexaad ee Akaadamiyadda aqoonta heerka jaamacaddeed waxaa loo yaqaano MPHIL (Master of Philosophy) heerkani ama darajadani waxay guud ahaan ku saabsantahay takhasuskaaga inaad baadhitaan ku samayso iyo  inaad cilmi baadhis ku samayso takhasuskaaga (Research and Investigation about your choosen profession subject), in wax laga weydiin karo, inaad tijaabin karto aqoon ahaan iyo culuum ahaanba, badibana maadooyinka lagu qaato heerkani MPHIL waxay ku koobanyahiin isla takhasuskaaga tusaale ahaan haddii aad doonayso inaad ku takhasusto cilmiga Neurology oo ah cilmiga barashada Neerfaha bini’aadmiga wuxuu noqonaya inaad baadho qaabka loo dawayn karo qof xanuunada qaba inaad tagto goobaha caafimaad, inaad hesho fekero cusub oo lagu dawayn karo, inaad ka qayb qaadato hawlaha caafimaad ee socda.

Darajadda Afraad ee ugu danbaysa aqoonta akaadamiyadda heerka Jaamacadeed waxaa loo yaqaana PHD (Doctorate of Philosophy)Darajadani ama heerkani wuxuu gebi ahaanba qofka gaadha noqonaya qof ku shaqeeya takhasuskiisa, baadha, wax ka qora waxna ku kordhin kara ra’yi ahaan, wuxuu noqonaya qof la qaato ra’yigiisa isla markaana Jaamacadaha iyo goobaha cilmi baadhista ee takhasuskiisa ku kordhiya feker isla markaana laga qaato tallo.

Haddaba Qofku Markuu Gaadho Darajada PHD (Doctorate Of Philosophy) Siduu Ku Noqon Kara Professor Yaase Professor Noqon Kara.

Professor waa darajo laga gaadho dhinaca dhigista takhasusaad akaadmiyadeed ama inaad noqoto macalin jaamacadeed oo bara takhasusaad gaar ah (specific profession) haddaba si aad u gaadho darajadani Academic Professor loo yaqaano ama Bare Sare takhusus gaar ah waxaa loo mara darajooyinkani afarta ah.

1. Kaaliye Professor (Assistant Professor) Waxaa laga raba inaad ahaato kaaliye Professor muddo u dhexaysa 5-8 sannadood si aad ugu gudubto darajada labaad, heerkani wuxuu doorkaagu ku koobnaanaya inaad qaybta ama akaadamiyadda aad joogto ka caawiso Professor-ka ra’yi uruurinta, cilmi baadhista iyo dhigista casharada.

2.Isku Xidhiidhiye Professor (Associate Professor) Darajadani waa darajada labaad ee ku xigta markaad ka soo gudubto Kaaliye Professor ee aad ku soo shaqayso kaaliye Professor muddadaasi u dhexaysa shan ilaa sideed sannadood, darajadani labaad waxaa laga rabaa ilaa seddex sannadood inaad ku qaadato inaad diyaariso ra’yi iyo afkaaro cusub oo lagu kordhiyo takhasuska akaadamiyadda aad barayso

3. Professor: Darajadani waa heerka kala badha in lagu aqoonsado bare sare oo Jaamacadeed waxaana badanka loo ictiraaqa Full Professor, waxaana lagaga baahanyahay inaad u gudubto darajada afraad ee dhigista ama macalin ka noqoshada heer takhasusaad inaad joogto, heerkani waad qaadan karta darajada Professor balse waayo aragnimo ahaan wax badan ayaad u baahantahay inaad darajada ka saraysa aad gaadho

4. Distinguished Professor ama af soomaali ku noqonaysa Maskaxda Akaadamiyadda heerkani qofku wuxuu noqonaya qofka loo noqdo takhasuskaasi ee u noqda marjac isla takhasuskaasi waxna laga weydiiyo isla markaana qora buugaagta waaweyn ee takhasusaadka ah qora, waxaad tusaale ahaan aragteen buugaagta la barto ee culuumtu ku taallo dadka qora waxaa u badan badiba Distinguished Professor ama maskaxeeyaha akaadamiyadda Jaamacadeed

======================

Canjeelo siday u kala korreyso ayaa loo cunaa. As the pancakes are piled, so they should be eaten.

Posted on October 11, 2012, in Truth to Power. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: